|

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN. …. Qunsulkii Dawlada Soomaaliya ee Kenya oo Goordhawayd ku geeryooday Magaalada Nairobi.


Eebe ha u raxmadee Waxaa goordhawayd Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku geeryooday qunsulkii hore ee dawlada Soomaaliya u qaabilsanaa dalka Kenya Marxuum, Maxamed Cismaan Aadan jigis (Etson) kadib markii mudooyinkii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa magaalada Nairobi.

Marxuumka ayaa caawa u geeryooday xanuun uu la ildarnaa Waxaana dhawaan lagu soo celiyey dalka Kenya kadib markii dawooyin iyo qaliimo uu kusoo qaatay dalka Talyaaniga oo uu kasoo noqday Bil ka hor Waxaana Marxuumku u dhintay Cudur kasoo wajahay dhanka dhabarka.

Diblamaasi Khaalid Bahiir Cabdulle (Ceegaag) oo katirsan Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa goordhawayd Warbaahinta Puntlandi u xaqiijiyey geerida Qunsulkii hore ee dawlada Soomaaliya u fadhiyey Daka Kenya Waxaana uu sheegey in Marxuumku uu si degdeg ah ugu soo booday cudur ayaantaan hayey kadibna loola cararay isbitaalka kuyaala magaalada Nairobi halkaas oo uu markiiba ku geeryooday.

Eebe Ha u raxmadee Marxuum Maxamed Cismaan Aadan ayaa kudhawaad todobo sano ahaa Qunsulka Soomaaliya ee Kenya laakiinse Ma uusan shaqaynayn ilaa horaantii bishan kadib markii xanuun kusoo booday isagoo kusugan dalka Kenya waxaana uu isbitaal dhowr bilood ah ku qaatay dalka Talyaaniga isagoona dalka Kenya dhawaan dib loogu soo celiyey, Dawlada Soomaaliya ayaa xilkii Qunsulka dhawaan u magacowday sarkaal cusub kadib markii shaqooyinka Safaarada looga maarmi waayey.


Maxamed Cismaan Aadan ayaa ahaa Sarkaal diblamaasi ah oo saamayn weyn kuleh xiriirka Soomaaliya ee Kenya iyo wadamada beesha Caalamka ee Nairobi fadhiya isagoona siweyn uga dhexmuuqan jiray shirarka Soomaalida loo qabanayo iyo safarada Diblamaasiyiinta Caalamku ay Soomaaliya ku tagayeen Wuxuuna xiriir dhow la lahaa dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isagoona arimaha wadashaqaynta beesha Caalamka ka qaybgali jiray.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

Dhamaan howl wadeenada Puntlandi.com waxay Tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan Xaaskii , ehelka, Qaraabada iyo Asxaabtii uu Qunsulku ká tagay.

Marxuumkana waxaan u rajaynaynaa jano waarta iyo Dambi dhaaf.

AAAAmiiiiin

………………………………………

Tacsida Kowaad

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan sheikh Maxamed Maxmuud Faroole ayaa ka tacsiyey Geeridii Xalay ku timid Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cismaan Aaden (Edson) oo ahaa qunsulkii soomaaliya u joogey Nairobi, isagoo xalay 18-09-2012 ku geeriyoodey Magaalada Nairobi.
Tacsida uu Madaxweynuhu direy ayaa u qoron sidaan…

TACSI: Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson”

Inaa Lilaahi waa innaa Ilayhi Raajicuun.

Anigoo ku hadlaya magacayga , Dowlada Puntland iyo Magaca shacabka waxaan Tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson” Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalida ee dalka Kenya oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Waxaan ILAAHAY Subxanahuu Wa’tacaalaa uga baryeynaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Janadii Firdowsa, samir iyo iimaan-na ka siiyo dhammaan ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Aamin.

Cabdiraxman Sh. Maxamad Maxamud (Farole)

Madaxweynaha Dowladda Puntland

————————————

Tacsida 2aad

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Xaruntooda Geneva Dr. Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari isagoo ku hadlaya magaca qoyskiisa wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan Ehelkii, Caruurtii, Xaaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyoodey Qunsul Edson.

Wuxuuna Marxuumka illaahay uga baryayaa Dambi dhaaf iyo jano waarta, Shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskiisiina samir iyo iimaan

 

Amiiiin

————————————————

Comments are closed