abaaraha
|

Jawaari macne darada, mar-marsiiyo xumaduu ayuu kaga daray.( Fiiri cadeymahan )

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka waxaa lagasoo wariyey shalay 15.11.2014 inuu yiri Cajilada lasoo bandhigay waxaa la duubey sanadkii hore bishii Septembar 2013 anigoo markaa beeshayda guubaabinaaya ” Subxaana yaa cadiim, hadda waa gudoomiyihii sharci dejinta ninkaa guubabada qabiilka ku faanaya “, Jawaari sheeko xariirtiisa waxaa ku jiray, cajilada waxaa laga jaray hadalo wanaag ah oo aan kaga hadlaayey amaanka Puntland, wuxuu Jawaari isagoo isdifaacaya hadalka raaciyay “2013 inta( Baydhabo) anigoo jooga Odayaashana kula shiraya, oo idiin qudbeynaya, oo hadlaya, waa tii telefoon la iisoo diray 11kii September 2013 oo howlgallo laga sameeyey xiligaas Puntland, oo la igu yiri, hadda waxa socota ganacsataa la xir xiray, Warkaan kasoo yeerey Jawaari waa borobogaando la doonayo in cudur daar rakhiis ah loo raadiyo, hadalada gafka iyo isku dirka Bulsho ah ee af kiisa ka soo baxay.” Sidoo kale cidna kama qarsoona isku dirka iyo isku guubaabinta qabaa’ilka somaaliyeed ee Jawaari waxay qayb ka tahay siyaasada Xasan Culusow, Indha cade, Xaad iyo Axned Diiriye ee ah in dalka iyo dadka soomaliyeed loo diido nabad, dibu heshisiin iyo dawaldnimo

Ceebay Tacaal, Gudoomiye Jawaari ma wuxuu waayay si kale oo uu isu difaaco ama wax been been u eg uu ku sameeyo, Howlwadeenada Puntlandi ayaa u kuur galay, oo baaray xaqiiqda Cajiladaan iyo Hadalka maanta ka soo yeerey Jawaari ee uu isku difaacayo.

Ugu horeyn waxaanu dib u baarnay Keydka Puntlandi ee Sanadkii 2013 bishii Septembar si aan Wax uga ogaano hadalka Gudoomiye Jawaari ee ahaa Waxaa la iga soo wacay Puntland oo Howlgalo xiligaas ka socdey lagusoo qabqabtey Ganacsato reer Bay iyo Bakool ahaa, Waxaan kaloo xiriiro la sameyney Masuuliyiintii Dowlada Puntland ee Xiligaas jirtey qaar kamid ah, si aan iyana Wax uga waydiino jiritaanka hawl galadaas Jawaari sheegay bishii septembar 2013.!!!!!!

Hadaba waxaan halkaan ku cadeynaynaa in uusan jirin Wax howlgal ah oo bishaas ama xili u dhow ay Ciidanka Amaanka Puntland qabteen, mana jirin marnaba Ganacsato la xirxirey, Sanadkii 2012 kii ayaa mar Ciidanka Amaanka Puntland waxay qabteen Howlgal lagu raafayo dad badan oo amaan darada lug ku lahaa, iyadoon aysan xiligaas jirin dad gaara oo la beegsanayay, habayaraatee mana jirin ganacsato marnaba laga raafey Puntland.

Soomaalidu horey ugu maahmaahdey Beeni raad ma leh, Bishii septembar 18 keedii 2013 ayaa Gudoomiye Jawaari booqasho ku tagay Baydhabo, 11 septembarna Muqdisho ayuu joogay, Linkskaan hoose waa warkii Puntlandi ka qorey safarkisii Baydhabo septembar 2013, http://puntlandi.com/gudoomiyaha-baarlamaanka-soomaaliya-oo-booqasho-ku-tagay-baydhabosawiro/.

Haddi Jaawri hadalkiisa loo raaco ee sanadkii hore, shacbiga somaaliyeed ee Banaadiriga ayaa ku mahamaaha “Abkay Dooli diloow, dad nool ma u daaha “ Sanadkii hore ayuu Jaawri ummada soomaliyeed oo dhan buu caayey, markii uu gacantiisa ku badalay dastuurkii iyo sharcigii ummadu dhigatay ee ku heshiisay, isagoo u adeegaya kooxaha nabada iyo dawladnimada diidan.

Halkan ka fiiri qoraaladii dacwada ahaa ee dawaldii hore ee Madaweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ka qoreen waxa ka badalkii sharci darada iyo fadeexada lahaa ee Jawaari uu kula kacay Dastuurkii dalka. RIIX HALKAAN

Dhinaca kale Sawiradaan hoose waa safarkiisii todobaadkii hore uu ku tagay Baydhabo, waana xiliga saxda ah ee laga duubey Cajilada isagoo Gudoomiyuhu ku hadlayo hadalo lagu kicinayo qabiilada Bay iyo Bakool, laguna aflagaadeynayo Dowlada Puntland iyo shacabkeeda, sawirada u fiirso iyo muuqaalka , cadeyn kale waxaa ah Video-ga hadaad u fiirsato , Dharka, Funaanada cad iyo ookiyaalahuba waa hadda.

Sida lagasoo xigtey Jawaari hadalka uu isku difaacayo wuxuu sheegey inuu haladkaan uusan ahayn sir,ee cajilada la jarjaray, hadaad u fiirsato Video-ga Jawaari markuu ogaaday in warkiisa la duubayo wuu argagaxayaa oo ka joojinayaa wariyaashii wax duubayay.
jawaari 22

jawaari 2

jawaari 22

jawaari

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n