|

Jimciyadda Al-Xikma oo deeq raashiin ah gaarsiisay goboka Mudug-Sawiro

Jimciyadda kheyriga ah ee Al-Xikma ayaa deeq raashin ah gaarsiisay shacabka ku nool gobolka Mudug ee Puntland-Soomaaliya.

Dadka deeqda la gaarsiiyay ayaa isugu jiray barakacayaal iyo dadka abaarta saameysay, kuwaasi oo ku kala noolaa xeryaha barakacayaasha ee gobolka Mudug.

Deeqda ee jimciyadda Al-Xikma gaarsisay goboka Mudug ayaa ahayd mid raashiin ah oo ka koobnayd bur, bariis, baasto iyo saliid.

Madaxa jimciyadda kheyriga ah ee Al-Xikma Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay ee deeq gaarsiiyaan shacabka ku nool gobolka Mudug.
Hay’adda FIF Pakistan ayaa deeqda soo gaarsiisay shacbaka goboka Mudug iyadoo u soo marsiisay jimciyadda Al-Xikma

Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan madaxa jimciyadda kheyriga ah ee Al-Xikma  ayaa intaasi ku daray in 2,500 ay ka faa’idyesteen deeqdaasi

imciyadda Al-Xikma ayaa ka howl gasha gobolada Puntland waxa ayna ka qeyb qaadataa arrimaha hormarinta bulshada.

Puntland.com

Comments are closed