|

Keating oo soo saaray warqad ku socota Galmudug iyo dowladda federalka.

Muqdisho (Puntlandi.com) Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , Michael Keating, ayaa ugu baaqay dowladda federalka inay isku howsho xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, taasoo ah mudnaanta ugu weyn iyo aas aaska guusha dowlad dhisida Soomaaliya xilligaan muhiimka ah.

Dhinaca kale, Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in wada hadal nabadeed lagusoo afmeero khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug ee Cadaado.

Keating, oo ka jawaabayay qoraal uu udiray madaxweyne Xaaf, ayaa yidhi,” Waxaan dhammaan daneeyayaasha Galmudug ku dhiiri galinayaa inay galaan wadahadal waxtar leh oo keena xasiloonida Galmudug, si xal looga gaaro arrimaha xiisadaha kiciyay. loona aas aaso xidhiidh adag oo ay ku wada shaqeeyaan dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login