|

Kenya oo ka maqneyd caleema saarkii Madaxweynaha JF Somaliya, maxay tahay sababtu

Dowlada Kenya oo ahayd saxiib ka dhow ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta aan lagu arag hoolkii ay ka dhacdey Xafladii Xilkala wareegsiga Madaxweynaha Soomaaliya, Xafladu ma ahayn oo kaliya Caleema sarka Madaxweynaha ee waxay ahayd mid taariikhi ah oo lagusoo gunaanadayey KUMMEELGAARKII ay Soomaaliya ku jirtey Dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafey.

Dowladaha ay Soomaaliya Saaxiibka yihiin ayaa badankoodu kasoo qayb galay khaastan kuwa aan dariska, sida Jabuuti iyo Itoobiya oo hogaamiyayaashoodu yimadeen lakiin waxaa iswaydiin leh Maxaa Kenya ka maqneysiiyey.

Dowlada Kenya oo ah saxiib aad ugu dhow Dowlada Soomaaliya ayaa maanta laga waayey hoolkii Xafladu ka dhaceysey, Dad badan ayaa isweydiiyey sababta Kenya ay uga soo qayb gali waydey xafladii caleema saarka Madaxweynaha cusub ee JF Soomaaliya, walina Kenya kama hadlin sababta ay wakiil ugu soo diri waayeen Soomaaliya.

Inkastoo Qarixii Arbacada 12 bishaan lala beegsadey hotel ay ku shirayeen madaxwaynaha JF Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha dibada Kenya uu sabab u noqon karo maqnaanshaha Kenya hadana waxaa shaki wayn abuurey sababta Kenya usoo diri waydey masuuliyiin u matala xafladaas, maadaama Kenya kamid tahay wadamada ay aadka isugu dhow yihiin Soomaaliya xiriir ahaan iyo deegaan ahaanba, iyo waliba iyadoo ay Ciidan ka joogo Jubooyinka, kuwasoo huwan magaca Amisom.

Dhinaca kale Dowlada Soomaaliya walikama hadlin maqnaanshaha Kenya.

Puntlandi.com

Comments are closed