|

KHIYAAMO QARAN : – SHIRKADA ” SOMA OIL AND GAS ” EE SHIDAALKA MA NALUGU SIRAY, NINKA AASAASAYNA WAA NIN CEYNKEE AH ? ( FADLAN AKHRI WARBIXIN XASAASI AH )

Bishii November Sannadkii 1981-kii ayay Maxkamad ku taalla Magaalada New York ee dalka Mareykanka ku heshay Mr Bansil M. Shiblaq oo haatan ah bud dhigaha iyo Agaasimaha shirkada shidaalka ee ( Soma Gas Oil and exploration ltd) inuu lunsaday lacag gaaraysa $306724.5 ( Dolar ) intii u dhaxaysay Bishii August Sannadkii 1976-kii ilaa Bishii August Sanadkii 1978-kii kadib markuu been abuuray ogolaanshaha qof macmiil ka ahaa Xarunta ganacsiga ee New York (YNSE) ee wakiil Shirkadeedka (Merrill Lynch, Pierce, Fenner & Smith Incorporated ) waxaana wakiil nimadiisa la istaajiyay Mr Bansil Shiblaq Bishii May 10-kedii Sannadkii 1978-kii Gar-yaqaan John J. Mulcahy, Jr ayaana xukunka ku riday Bishii November 18-kedii Sannadkii 1981-kii.

Bishii January 7-dedii Sannadkii 2007 ayaa waxaa lagu qabtay dhabaha Diyaaradaha Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, kadib codsi ka yimid Boliiska Adduunka (Interpol ) astaantiisuna ahayd Ogaysiiska Cas ( Red Notice ) oo micneheedu yahay dawladdaha xubnaha ka ah ay qasab ku tahay in ay ka jawaabaan fariinta astaanta cas leh soona qabtaan sida haddii dhulkeeda uu soo galo qofka la doon doonayo, una wareejiyaan sida ku qeexan heshiiska dawladaha xubnaha ka ah (Interpol) kadib markii lagu eedeeyay inuu hanti ka xaday ama ka lunsaday Imaarada Abu Dabay.

Bansil Shiblaq ninka nuucaa ah waa madaxa iyo aas aasaha shirkadda (Soma Oil and Gas) oo dhawr sannadood ka hor lagu sameeyay Magaalada London wuxuuna 45-kii sano ee na dhaafay ahaa dullaal isagoo lagu qaaday dawcwado wax isdaba marin iyo xatooyo uu ka sameeyay New York iyo Imaaraadka Carabta iyadoo sidoo kale ay jiraan boqolaal fayl oo uga furan wadamada Galbeedka Africa oo aysan cidina daba galin bacdamaa uu haysto Dhalasho Ingiriis ah xiriir wanaagsanna la leeyahay madaxda Ingiriiska.

Ninkani la yiraahdo Bansil Bishii May16-kedii Sannadkii 1996-kii wuxuu samaystay shirkad magaceedu ahaa {West African Holding Company Limited} fadhigeeduna wuxuu ahaa London shirkaddaas waxaa shatigii lagala noqday Bishii September 25-kedii Sannadkii 2001,wuxuu sidoo kale diiwaan galiyay Mr Bansil {African Mineral Resources Plc} shaqaalaha shirkadaas waa 2 Agaasime oo kala ah Bansil Shiblaq iyo Jad Damouni, shaqaalaha kalana waa 1 ilaa 4 shaqaale, iyadoo Bishii May 16-kedii Sannadkii 1996 kii sidoo kale diiwaanka shirkadaha Ingiriiska shati kaga codsaday in loo siiyo {WEST AFRICAN TIMBER LIMITED} shirkadaasna waxaa shatigii lagala noqday Bishii Julay 21-kedii Sannadkii 1998. isla Markaana Bishii July 21-kedii Sannadkii 1998. waxaa laga xiray shirkad kale oo uu ka diiwaan galiyay London magaceeduna ahaa {WEST AFRICAN DIAMOND MINES LIMITED}.

Bishii December 14-kedii Sannadkii 1999-kii wuxuu diiwaan galiyay shirkad kale oo magaceedu ahaa {OMICRON HOLDINGS LIMITED} iyana waxaa irdaha loo laabay Bishii June 26-kedii Sannadkii 2005.

Mr Bansil Shiblaq wuxuu ka dhex muuqday ilaa 6 dhagaysi maxkamadood oo ku xeeran, xatooyo hantiyeed, been abuur waraaqo aqoonsi, iyo qas lagu sameeyo sicirka suuqa dhamaan lixdaas dhagaysi waxay ku taariikhaysan yihiin Sannadihii 1976-kii ilaa 1981-kii.

Bishii May Sannadkii 2013 waxaa Gudoomiye ka noqday (Soma Oil and Gas) Hogaamiyihii Xisbiga (conservative) ee Ingiriiska Michael Howard oo ah 75 jir Yuhuudi ay iska dhaleen Dukaanle Romania u dhashay oo kasoo cararay taliskii Romania cadaadis uu ku hayay dadka Yuhuudda ah iyo Haweenay uu dhalay galti Yuhuudda Ruushka ee soo nabad galay Gobalka Wales, Ingiriiska Sannadkii 1939-kii, Howard wuxuu shirkaddan aan raasa maalka lahayn u saxiixay heshiis Soomaaliya looga baadi goobayo Saliid, waa shirkad cusub, waa shirkad ay shaqaale ka yihiin 3 nin oo aan mid 4- aad lahayn, waa shirkad ay leeyihiin 3 Nin aas aasaheeduna yahay ninka taariikhdiisu ka dhex buuxdo dhaca iyo xatooyada, waana nin Sannadkii 1969-kii ilaa maanta suuqyada waa wayn dullaal ka ahaa, waa nin Afrikada Galbeed laga doon doonayo waa nin Imaaraadka Carabta toosh ku doonayaan.

Dhinaca kalena ninkaa tuugada ku caanka ah ee ka madaxda ah shirkadaa doonaysa in ay boobto khayraadka soomaaliya ee Shidaalka uu ka mid yahay ayaa waxaa jirta in ragga shirkadaas maal gashaday uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre isagoo sidoo kalena shirkadan madax uga ahaa dhinaca khaarada afrika waxaana maalintii xilka loo magacaabay oo ku beegnayd Bishii Febraayo 23-kedii Sannadkan 2017-ka uu sheegay inuu iska casilay shaqadii shirakadaas.

Hadaba waxaa is weeydiin mudan Ninka caynkaas ah ee la yiraahdo Mr Bansil Shiblaq siday Dowladdeenu ugu aamintay hantada xaddigaa le’eg ? Taloow yaa nooga jawaabi ?

Ugu dambayn waxaa cad in khayraadka Soomaaliya loo saxiixay dhurwaayo aan waxba reebeyn hana ogaadeen Madaxda Soomaalida kuwii hore iyo kuwa haatan jooga waxay saxiixayaan waa wax Soomaali oo dhan leedahay iyadoo guud ahaan marka laysku soo duubo ay muuqato sida dhulka Soomaaliyeed uu baylah yahay.

Qofweliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noogeystay
Diiwaano-Qaran baajiroo loogu qoraayaaye,
Quruumaha danbaa kugu naclada ficilada qaarkoode
Hadaad Qaranka kala goyn lahayd quruxso taariikhda

( Abshir Bacadle Alloow kuu raxmo )

Comments are closed