|

Kooxda Garowe oo Garaacdey Juba iyo Mbeye Tartanka East and Central Africa Inter City basketball

GAROWE TEAM
DaraSalaam– 7 May 2014–Pi– Kooxda Kubada Koleyga ee Magaalada Garowe oo ka qayb galaysa Tartanka East and Central Africa Inter City basketball ee ka socda Dalka Tanzania ayaa labadii ciyaarood ee u horeeyey ee ay cayaareen waxay la ciyaareen kooxda Magaalada Juba ee Caasimada Koonfurta Sudan iyo kooxda Magaalada Mbeye ee Dalka Tansaniya.

Garowe Waxay soo bandhigeen ciyaar aad u tayo sareysa tasoo keentey iney ka guuleystaan labadii magaalo ee u horeeyay oo ay la ciyaaraan.

Natiijadii ciyaartuna waxay noqotay sidaan

Garowe 90 Juba69

Garowe 62 Mbeye 61

Kooxda Mbeye ooiyana soo bandhigey ciyaar wanaagsan ayaa moodaa in ay labada kooxood aad isugu dhowaayeen tasoo aakhirkii keentey iney guuleysato kooxda awooda badan ee Caasimada Puntland.

Waxaa xusid mudan in Kooxda Magaalada Mbeye ee Dalka Tansaniya ay ciyaartii furitaanka Tarnankaan ay la ciyaartey kooxda Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya waxaa ciyaartii guushii raacdey Mbeya 105 halka Mombasa dhalisay oo qura 75

Puntlandi.com

Comments are closed