abaaraha
|

Kooxda Kubada Koleyga Garowe City oo Galabta ciyaareysa Ciyaar taariikhi ah

Tan iyo burburkii Soomaaliya ma jirto koox Soomaaliyeed oo gaartey heerka ay maanta gaareen Dhaliyarada Kooxda Kubada Kleyga ee Magaalada Garowe, Kooxdu waxay soo garaacdey kooxo caan ah oo ka yimid magaalooyin afrikaan ah.

Ciyaaraha Koobka kooxa Magaalooyinka Afrika oo ka socda Magaalada Dar el Salaam ee Dalka Tanzania ayaa Kooxda Garowe waxay muujiyeen wacdaro aan laga fileyn, waxayna hada yihiin kooxda aadka loo saadaalinayo iney koobka qaado hadii taasi dhacdo waxay noqoneysaa taariikhi.

Galabta 4;00 galabnimo saacada Afrikada bari ayaa Garowe City waxay la ciyaarayaan Magaalada Citizen ee Koonfurta Sudan, Rajo wanaagsan ayay qabaan Dhalinyarada Garowe City iney ka badinayaan kooxdaan sidaasna Finalka ku tagayaan.

Kooxdu waxay aad ugu mahadcelinayaan Jaaliyada Puntland ee Dalka Tanzania oosoo dhaweyn wanaagsan u sameysay kooxda.

Puntlandi.com
Dar el salaam
SAMSUNG CAMERA PICTURESSAMSUNG CAMERA PICTURES
Screenshot_2014-05-07-20-46-36
SAMSUNG CAMERA PICTURESIMG-20140507-WA0016IMG-20140507-WA0016

Comments are closed