|

Kooxo Hubaysan Oo Weerar Qorshaysan Ku Qaaday Ciidamada Kaantaroolka Boosaaso

Kooxo hubaysan oo loo badinayo inay ka tirsan yihiin Shabaab, ayaa Weerar qorshaysan ku qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan Kaantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Weerarka, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la og yahay Weerarka ku dhintay illaa todoba qof oo isugu jira ciidan iyo dad rayid ah.

Wararka uu Warsidaha Puntlandi helayo, ayaa intaas ku daraya in dad ka badan 10 qof ay ku dhaawacmeen Weerarka, kuwaas oo u badan dad shacab ah.

Dadka ku dhintay Weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay Cisbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso.

Waxaa xusid mudan in Koox ka mid ah Kooxda Weerarka geysatay ay jidka u galeen ciidamo gurmad ahaan uga soo baxay gudaha magaalada, ayna dagaal wada galeen, balse lama yaqaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaa.

Dawlada Puntland ayaa laga filayaa inay faahfaahin ka bixiso khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Kooxda Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Kaantaroolka Boosaaso.

Wixii kaso kordha Warkan dib ayaan kaso daabacaynaa, haddu ALLE idmo.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login