abaaraha
|

Kornayl: Cismaan Xasan Cowke (Afdalow) oo loo magacaabay taliyaha qaybta Booliiska gobalka Mudug.

cismaan-cawke

Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland, C/qaadir Shire Faarax ayaa Kornayl Cismaan Xasan Cowke (Afdalow) u magacaabay taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug.

Taliyaha cusub ayaa lagu badalay taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Mudug gaashaanle sare Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame oo isagana loo magacaabay taliyaha Hoggaanka booliiska gobalka Mudug.

Cismaan Xasan Cowke Afdalow oo horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Birmadka Puntland iyo xilal kale oo xaga ciidanka ah ayaa la filayaa inuu maalinta berito ah xilkiisa la wareego.

Puntlandi.com

Comments are closed