|

Maamulka Hargeysa oo ciidamo iyo gaadiid dagaal geeyay Hadaaftimo.

Maamulka Hargeysa ayaa magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag geeyay ciidamo wata tikniko lagu qiyaasay ilaa 20 baabuur oo isugu jirta kuwa qoryuhu saaranyihiin, booyado iyo kuwa caafimaadka deg dega ah (ambulance).
Ujeedada ciidankaan ayaa waxay tahay inay doorasho xoog ah ka sameeyaan magaalada Hadaaftimo oo dhowaan ay ka dhaceen mudaharaadyo loogasoo horjeedo doorashada maamulka Hargeysa ee Somaliland.
Dhanka kale,  ciidamo Puntland ah oo ay  horkacayaan Gen. Muxiyadiin iyo Fu’aad Xannaano ayaa tagay magaalada Hadaaftimo, iyagoo halkaas u tagay inay ka hortagaan inaanay Somaliland leedahay ka dhicin gobolka Sanaag.
Ciidamadan ayaa ka soo kicitimay oo iskaga soo baxay fadhiyo ay ku lahaayeen Gobolka Bari, si ay u xoojinayaan ciidamada Daraawiishta aaga Sanaag  ka dib markii laga war helay in ay ku soo  wajahanyihiin Sanaadiiqda doorashooyinka madaxtinimada Somaliland.
 Gobolka Sanaag ayaa wajahaya dhaqdhaqaaqyo ciidan kadib markii shacabka bariga, bartamaha, waqoyiga iyo koonfurta gobolka Sanaag ka biya diideen in ay doorashooyin qarsoodi ah ay ka dhacaan Gobolka Sanaag.
Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login