|

Madaxda Puntland, Jubbaland Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Cadaado Gaaray


Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas”, Madaxweynaha Jubbaland, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Madax kale, ayaa gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxda ayaa ka qayb galaya Munaasabada caleemo saarka ee Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Cadaado Axmed Ducaale Geele Xaaf, taasi oo maanta dhacaysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isna gaari doona Cadaado oo uu kaga qayb galayo Munaasabada caleemo saarka ah.

Amaanka Cadaado ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku qulqulaya Madax kala duwan.

Sawirada Hoos ka Daawo

www.puntlandi.com.

Comments are closed