abaaraha
|

Madaxweyne Farmaajo:” Wada xaajood miro dhal ah ayaan la qaatay madaxweynayaasha maamulada”

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu wada xaajood miro dhal ah la qaatay madaxweynayaasha dowladdaha xubnaha dowladda federalka Soomaaliya.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu sheegay inay kawada tashanayeen mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya iyo xiriirka saaxiibtinimo ee udhexeeya dowladda dhexe ee federalka iyo dowlad goboleedyada.

War Murtiyeed ayaa maanta la filayaa in lagasoo saaro wada xaajoodka labada dhinac.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login