|

Madaxii Tv-ga K/Sudan oo la xiray.waa maxay sababtu?

Madaxii television-ka Dowladda K/Sudan ayaa xabsiga la dhigay,sida ay sheegtay Xaaskiisa,kadib markii uu ku guul-darraystay in uu live u siidayo khudbaddii madaxweynaha ee maalinta Xorriyadda dalkaasi.

Xarigga Adil Faris Mayat,wax faahfaahin ah kama ay bixin xukuumadda K/Sudan,balse ninkaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidanka ammaanka dalkaasi.

Dhibaatada weriyaasha K/Sudan ayaa waxay qayb ka tahay jaahwareerka dalkaasi ka taagan muddada yar ee afarta sano ah ee ay xorta tahay.

sannadkii 2015 ayaa 5 weriye lagu dilay,waddanakaasi,sida ay sheegeen ururrada xuquuqda saxafiyiinta.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login