abaaraha
|

Madaxweynaha dowladda Puntland oo cafis ufidiyay maxaabiis ku xiran xabsiga Garowe

Taliska ciidanka asluubta Puntland ayaa maanta la filayaa inay xabsiga dhexe ee Garowe kasii daayaan 33 maxaabiis ah oo uu dhawaan cafis u fidiyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaas oo u xiran dambiyo fudud oo kala duwan.

Qoraal madaxtooyada Puntland kasoo baxay oo loo gudbiyay taliska xabsiga dhexe ee Garowe ayaa lagu faray in maxaabiista lasii daayo labada bisha julay oo maanta ku beegan sida uu warsidaha Puntlandi.com u sheegay sargaal katirsan taliska asluubta Puntland.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa waxay isku diyaarinayaan inay xoriyadooda dib u helaan, iyagoo ka faa’idaysanaya cafiska uu madaxweynaha ufidiyay oo lagu weynayayo maalinta ciida awgeed.

Taliyaha ciidanka asluubta Puntland General Cali Nuur ayaa lagu wadaa inuu saxaafada la hadlo, si uu uga warbixiyo maxaabista la siidaynayo.

Puntlandi.com

Comments are closed