|

(Dhagayso) Miyaa La Kordhinayaa Baarlamaanka Puntland?

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo qurba joogta reer Puntland xalay kula kulmay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska ayaa ka hadlay warar sheegayey in la kordhinayo Baarlamaanka Puntland.

Dr Gaas, ayaa sheegay inuu guddoonka barlamaanka dowladda Puntland u gudbiyey codsi ku aadan furitaanka barlamaanka Puntland, kadib markii ay caddaatay in 50% beelaha reer Puntland ay ka maqan yihiin golaha wakiilada ee ka kooban 66-da xildhibaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshihiisu yahay haddii uu hirgalo mid looga shaqayn doono arrimaha caddaaladda Puntland, si dhammaan umadda Puntland ay isaga dhex aragto golaha wakiilada Puntland.

Barlamaanka Puntland ee la aasaasay 1998dii ayaa ilaa xilligaasi ka kooban 66 xubnood, waxaana muuqnaya in Xukuumadda Gaas ay doonayso in la kordhiyo tirada Golaha Baarlamaanka Puntland.

      Z0000003 - My Recording

www.Puntlandi.com.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed