|

Madaxweynaha Jubbaland:” Dawlada Soomaaliya Ha Cadayso Inay Tahay Dawlad Federaal Ah Oo Dalka Oo Dhan Matasha”

Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka hadlay shir ay marto gelisay Jubbaland, kaasi oo ah shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in shirku uu furmayo maalinta bari, xilli maanta lagu wado inay Golaha Xukuumadda Soomaaliya ay gaaraan magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dadweynaha ugu baaqay inay u diyaargaroobaan soo dhoweynta Madaxda maanta tagaysa magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dawlada looga baahan yahay inay socoto oo tagto dalka oo dhan si ay u cadayso inay dalka oo dhan ay matasho.

Wuxuu intaas ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay marti gelinta shirka, wuxuuna xusay in Kismaayo ay tagayaan Wufuud ka socota Aqalka Sare iyo Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Amaanka magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goobta uu shrku ka dhacayo la geeyay ciidan kala duwan.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login