|

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir. Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu yahay shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo amaanka Soomaaliya.

“Maanta Cadowga kaliyah ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Argagixisadu uu u baahan yahay wadajir in loo wajaho oo aan cid gaar ah lagu halayn si dhibaatada dadka looga dulqaado.

 

You must be logged in to post a comment Login