Madaxweynaha Masar Mursi oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh
Dowladda dalka Masar ayaa si diiran u soo dhowaysay madaxweynaha dhowaan la doortay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo codad aad u fara badan kaga adkaaday madaxweynihii hore DKM ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in madaxweyne Maxamed Mursi uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u soo dhoweysay doorashadii Soomaaliya ka dhacday iyo guushii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
War laga soo saaray madaxtooyada waddanka isu-taga imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalka Imaaraadka Sheekh khaliif bin Zaayid Al-Nahyaan uu hambalyo u diray mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dimuqraadi ah ugu guulaystay doorashadii ka dhacay 10-k bishan caasimadda Muqdisho.


