|

Madaxweynaha Puntland oo Degmada Xumbays U Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:       Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey:        Tala soojeedinta Wasaaradda                                            Arrimaha Gudaha Dawladaha                                            Hoose iyo Horumarinta Reer                                              Miyiga.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah        loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada                    Xumbays.

Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel            gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka     degmadaXumbays.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

You must be logged in to post a comment Login