abaaraha
|

Breaking News— Madaxweynaha Puntland Oo Isku Shaandheyn Ku Samaynaya Golaha Xukuumadda

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa isku shaandheyn ku samaynaya Golihiisa Wasiiradda, taas oo noqon doonta Isku shaandheyntii ugu balaarnayd.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo maanta gaaray Boosaaso, ayaa ku biiray Madaxweyne Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Piuntland Axmed Cali Xaashi, waxaana maanta uga bilowday Madaxtooyada la tashiyo ku saabsan Isku shaandheynta Golaha Xukuumadda.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Wasiiro cusub ay kuso biiri doonaan Golaha Xukuumadda, halka kuwo kalena xilka laga qaadi doono.

Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ayaa ka mid ah Wasiiradda xilka loo magacaabi doono, waxaana loo badinayaa in laga dhigo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland sida Warar horu-dhac ah aan ku helayno, inkasta oo isbada iman karo oo jago kale loo magacaabi karo.

Lama yaqaan xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo Natiijada Isku shaandheyta, waxaase maanta bilowday wada hadalka sadde geesoodka ah ee ku saabsan qaabka ay u ekaan doonto Xukuumaddu.

Isku shaandheynta uu Madaxweynuhu samaynayo ayaa laga dareemay guud ahaan Gobolada Puntland, waxaana jira Siyaasiyiin badan oo u dheg taagaya xilalka loo magacaabi doono.

Hawl wadeenada Warsidaha Puntlandi ayaa ku mashquulsan sidii ay idiin siin lahaayen Wararkii ugu dambeeyay.

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed