|

Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Ku Wajhan Gaalkacyo

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaas ayaa Gaalkacyo kaga qayb galaya Aaska Fiqi Bashiir Cabdulle, oo maalinta bari ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.

Aaska Fiqi Bashiir Cabdulle ayaa waxaa ka qayb gali doona Madxada ugu saraysa Puntland iyo Wufuud kale, kuwaas oo si habsami leh ugu qulqulaya Gaalkacyo.

Fiqi Bashiir Cabdulle ayaa Bishii Janaayo 2013 lagu caleema saarey deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana uu dhowaan ku dhintay wadanka Sweden.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login