abaaraha
|

Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Tagaya Degmada Qandala

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagaya degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Qandala waa magaaladii ay dhowaan Puntland ka saartay Kooxda Daacish, waxaana Madaxweynuhu uu booqan doona fariisimaha ciidanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sido kale indhaindhayn doona xaalada noloeed ee bulshada ku dhaqan degmada Qandala, waxaana safarka Madaxweynaha Puntland uu yimi xilli Xukuumadda Puntland ay maanta u bilaabatay sanadkii afraad ee xilhaynteeda.

Wixii kaso kordha Wararka Safarka Madaxweynaha Dib ayaan kaso daabacaynaa.

www.puntlandi.com.

Comments are closed