abaaraha
|

Madaxweynaha Puntland Oo u Safaraya Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa 48-saac ee soo socota safar ku aadaya magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Gaas uu Muqdisho uga qayb galayo shirka ugu dambeeya ee ay yeelanayaan Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, waxaana shirka mar kale diirada lagu saari doona arrimaha Doorashadda iyo cabashada Puntland ee Aqalka Sare ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaa sido kale Madaxweynaha wehelin doona Musharax Madaxweyne Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo isna qayb ka ah Madaxda Madasha.

Waxaa xusid mudan in Muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camay iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Xaashi.

Lama yaqaan nooca uu noqon doono go’aanka kaso bixi doona cabashada jirta, xilli heshiiskii hore ee madasha meesha laga saaray, kaasi oo si cad u sheegayay in kuraasta ka imanaya Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee qaybta ka ah 11-kursi ee Aqalka Sare lagu soo doorto Garowe.

Wixii kaso kordha Safarka kala soco Warsaidaha Puntlandi, hadduu EEBE raali ka noqdo.

www.puntlandi.com.

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n