abaaraha
|

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Oo Hambalyo U Diray Jawaari

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gaas ayaa sheegay inuu Jawaari nasiib u yeeshay inuu mar kale hogaamiyo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, xilli maanta lagu doortay Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam ayaa u hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo uu sheegay in markii ugu horaysay taariikhda Soomaaliya ay dhacday in laba jeer hal qof loo doorto hogamiye.

Sayid Axmed ayaa sheegay inuu ka rajaynayo Guddoomiyaha cusub inuu si hufan u gudan doono waajibaadka shaqo ee horyaala.

Hambalyada Madaxda ayaa kuso beegmaysa xilli maanta mar kale Jawaari Muqdisho loogu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

www.puntlandi.com.

Comments are closed