|

Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha kuso dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Farmaajo, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo ay leeyihiin Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hogaan u ahaa Madaxdii Soomaaliyeed ee ka qayb galay shirka London, waxaana laga warsugayaa bal sida lo hirgaliyo qodobada kaso baxay shirka, xilli shirar badan oo loo qabtay Soomaalida balanqaadyo loo sameeyay ay natiijo la’aan ku dhamaadeen.

Madaxda dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa iyana la filayaa inay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan dalka.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login