|

Madaxweyne Farmaajo oo laba la taliye Magacaabay

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa u Magacaabay laba la taliye.

Labadaan la taliye oo horey ugu jiray Suuqa Siyaasada ayaa Waxay kala yihiin…

1 – Abdirizak A. Hassan (Durqun) Waxaa Madaxwaynuhu u magacaabay lataliyaha Madaxwaynaha dhanka arrimaha siyaasadda

C/risaaq waa aqoonyahan siyaasi ah, waxaa uu xilligii Dowladii Kumeel-gaar ka ahayd ee AU Madaxwayne C/llaahi Yuusuf uu soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya.

C/risaaq wuxuu lataliyaha dhanka arrimaha siyaasada u ahaa Ex PM Cumar C/rashiid, waana aqoon-yahan bartay cilmiga siyaasada.

2- Nour Diinaari waxaa Madaxwaynuhu u magacaabay Lataliye

Nuur waa siyaasi soo qabtay jagooyin kale duwan, Dowladii Madaxwayne Shariif Sh. Wuxuu ahaa kuxigeenka Agaasinka Madaxtooyada, Xilligii M/hore ee Xassan Shiikh-na wuxuu soo noqdey Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Urur Gobolerdka IGAD.

Puntlandi.com
Muqdisho

Comments are closed