|

Madaxweyne Farmaajo oo maanta kulamo gaargaar ah Gaalkacyo kula qaadanaya shacabka Puntland.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah magaalada Gaalkacyo kula qaadandoono shacabka Puntland qeybihiisa kala duwan, isagoo ka dhegaysandoona aragtiyadooda iyo talooyinkooda

Waxaa madaxweyne Farmaajo uu saakay kulamo gaar gaar ah la qaatay Isimada iyo waxgaradka gobolka Mudug, isagoo ka dhegaystay talooyin kala duwan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya ee haatan, waxaana madaxweynuhu maanta casuumad qado ku leeyahay beerta Islaan Bashiir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa marka uu kasoo laabto Heemo inuu booqdo xaafada Baraxley ee koonfurta Mudug, iyadoo halkaas ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay islamarkaasna ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login