|

Madaxweyne Gaas Muxuu Ka Yiri Shirka Kismaayo?

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka Kismaayo, ka hor inta uusan ka duulin magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qayb galka shirka.

Gaas ayaa sheegay in dawlad goboleedyada Xubnaha ka ah dawlada Fededaalka ay Xaq u leeyihiin inay isugu yimaadan shirar gaar ah, si ay uga wada tashtaan danaha ka dhexeeye.

”Waxaa sharaf ii ah innaan maanta Kismaayo aadayo oo aan ka qayb galayo shirka ay Madaxda dawlad goboleedyadu isugu imanayaan, shirkaasi tafaasiil dheeraad ah ayaa laga bixiyay, runtu waa xaq inay u leeyihiin dawlad goboleedyadu inay isu yimaadaan oo ay ka wada hadlaan duruufaha u gaarka ah iyo danaha ka dhexeeya” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu intaas ku daray”…..Hawlaha Qaranka ee socda ee uu ka mid yahay Dastuurka, Awood qaybsiga, Khayraadka Dabiiciga ah oo si gaar ah u khuseeya oo ay ka wada hadlaan, dabadeedna ay ku heshiiyaan sidii ay u wada shaqayn lahaayen, iyaga iyo dawlada dhexe u wada shaqayn lahaayen, arrimaha Masiiriga ah iyo Geedi socodka dawlada dhexe looga wada shaqayn lahaa”.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inuu rajaynayo inay natiijo wannaagsan kaso baxdo shirka Kismaayo.

www.puntlandi.com.

Comments are closed