|

Madaxweyne Gaas oo maamul cusub u magacaabay degmada cusub ee Dhudhub

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Dhudhub  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                   Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:              Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay                  Guddoomiyaha degmada Dhudhub.
  2. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay                Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay Madaxweynuhu.

You must be logged in to post a comment Login