|

Madaxweyne Gaas oo maanta xariga ka jaraya Xarunta Cusub ee Wasaaradda Haweenka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiweli Maxammed Cali ayaa maanta xariga ka jaraya xarunta cusub ee wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo dhowaan laga dhisay aagga Madaxtooyada.

Munaasabadda Xarig-jarka oo haatan bilaabatay ayaa waxaa ku sugan madaxweyne Gaas xubno ka tirsan golayaasha dowladda,isimo,culimo iyo dad weyne kale,waxaana kamid tahay dhismayaal waaweyn oo ay yeesheen qaar kamid ah wasaaradaha dowladda.

Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa si weyn uga dhex muuqata wasaaradaha dowladda,marka laga eego dhinaca waxqabadka,iyadoo lagu ammaano sida ay isaga xil saartay dhibaatooyinka haweenka loo gaysto iyo u qareemidooda,waxaana xaruntaan cusub qayb ka noqonaysa horumarka wasaraddaasi ay samaynayso.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login