|

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Gaalkacyo tababar ugusoo xiraysa ciidamado isku dhaf ah.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar ayaa magaakada Gaalkacyo uga qeyb galaya munaasabad tababar loogusoo xirayo ciidamo isku dhaf ah oo kala Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo si wadajir uga howgalaya amniga Gaalkacyo.

Ciidamadaan oo  ay tiradoodu ay tahay 50 askari, ayaa muddo bil ku dhow uu tababar ugu socday magaalada Gaalkacyo, iyadoo loo diyaarinayo inay si midaysan ammaanka uga shaqeeyaan, waxaana tababarka bixinayay ciidanka nabad sugida Puntland iyo quburo ka socotay QM.

Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumay, ayaa sheegay ciidankaan isku dhafka inuu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in lagu xaqiijiiyo amniga Gaalkacyo.

Halkaan ka dhegayso codka duqa Gaalkacyo.

      Duqa Gaalkacyo ee Galmudug

 

Puntlandi.com

 

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed