|

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Gaaray Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa Gaalkacyo kaga qayb galaya Aas loo samayn doono Fiqi Bashiir Cabdulle oo dhowaan ku dhintay wadanka Sweden.

Wararka uu helayo Puntlandi ayaa sheegaya in sido kale Gaalkacyo uu gaari doono Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo isna qayb ka noqonaya Madaxda ka qayb galaya Aaska.

Wufuud kala duwan oo isugu jira Isimo, Culumaa’udiin, Waxagrad iyo Siyiin ayaa ku qulqulaya magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ku jirta waji kale,  waxaana amaanka aad u sugaya ciidamada amniga Puntland.

Marka laga tago Aaska Fiqi Bashiir Cabdulle, waxaa lagu wadaa inay Madaxdu la kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Maalinta bari ayuu magaalada Gaalkacyo ka dhici doona Aaska Fiqi Bashiir Cabdulle hadduu EEBE idmo.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login