|

Madaxweyne Xasan Sheikh ma isku aamini doonaa Alla Shiekh(Villa Somalia)

Inkastoo shaley uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu sheegey inuusan shaqada ka badaleyn shaqaalaha hada jooga Villa Soomaaliya, hadana Madaxweynuhu miyaan la is oran karin wuxuu hilmaamey in kooxda Xagjirka ah ee Ala sheikh ay yihiin shaqaalaha  Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Tan iyo markuu Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed u soo guurey Villa Soomaaliya waxaa Villada kusoo qulqulayay shaqsiyaad ka tirsan Ururuka Xagjirka ah ee Alla sheikh oo Madaxweynuhu hormuudka ka ahaa, Shaqsiyaadkaas waxay ku guuleysteen iney keenaan shaqaalaha looga baahan yahay Villada, waxayna gabi ahaan la wareegeen Villa Soomaaliya qaybta uu Madaxweynuhu ka deganaa iyo xafiisyadiisa.

Waxaa caado ah in Madaxweyne Cusub markuu la wareego hoyga iyo Xafiiska Madaxtooyada inuu keensado dad isaga u daacad ah, taasina waa mid caadi ka ah dhamaan caalamka, Xaalada Soomaaliya waaba kasii xag jirtaa xiligaan, Madaxweynaha Shaqadu ka dhamaatey wuxuu kamid ahaan jirey hogaamiyayaasha Ururuwaynihii ay kasoo farcameen Al-shabaab, Alla shiekh iyo´kuwo kale oo badan, waxaana xaqiiq ah in Dagaalyahanada kooxahaan ay ahaayeen dad isku Mabda’ ah ama isyaqaaney, sidaan la socono Madaxweyne Shariif wuxuu Ciidii xabsiyada kasii daayey boqolaal Al-shabaab ka tirsanaa, oo qaarkood ajnabi yihiin.

Maxaabiistii uu Madaxweyne Shariif kasii daayey Xabsiyada 19.08.2012  ma iswaydiiney meeshey jiraan?

Madaxweynaha Cusub iyo Masuuliyiinta ku teedsan waa waajib khasab ah iney si deg deg ah u badalaan dhamaan shaqaalaha Villa Soomaaliya, waliba waa in baaritaan lagu sameeyeyaa shaqalaahaas dhamaantood, laga yabee iney ku jiraan dad ka tirsan dadkii xabsiiyada laga sii daayey Ciidii ee Madaxweyne Shariif uu cafiska u fidiyey.

Puntlandi.com

Comments are closed