abaaraha
|

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak oo lasii daynayo.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusi Mubarak, oo sanadkii 2011 xilka looga tuuray kacdoono ka dhacay dalkaasi, ayaa laga saaray isbitaal milatari, sida maanta oo isniin ah uu shaaciyay qareenkiisa u doodayay.

Madaxweyne Xusni ayaa ku laabandoondoona gurigiisa sida uu sheegay qareenkiisa Farid El Deeb, isagoo intaas ku daray inuu si degdeg ah talaadada xoriyadiisa u helidoono.

Xusni Mubaarak ayaa lagu waayay eedeymo ku saabsanaa musuqmaasuq iyo inuu amray in la dilo dad kasoo horjeeday xukunkiisa mudadadii sodonka sano ahayd ee uu dalkaas maamulayay.

Sanadkii 2012 ayaa Mubarak lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagusoo oogay dambi ku saabsan dilka 239 dad ah intii lagu jiray kacdoonkii xilka looga tuuray.

Puntlandi.com

Comments are closed