|

Maleeyshiyo kasoo jeeda xaafada Baraxley ee Galmudug ah oo shacab maato ku laayay aaga Godad.

Ugu yaraan 3 qof oo kasoo jeeda Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ka dib markii dabley hubeysan oo kasoo jeeda xaafada Baraxley ee Galmudug ay weerar ku qaadeen Gaari maraayay wadada wadaagsin gaar ahaan inta u dhexaysa Balibusle iyo Godod ee gobolka Mudug.

Dableyda Hubeysan ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen dadkaan oo kusoo jeeday magaalada Gaalkacyo, waxaana dadka dhintay ku jiray carruur iyo haween.

Weerarkasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 7  qof, mana ahan markii ugu horeysay oo maleyshiyada Galmudug ay dad maato ah jidka u galaan.

Heshiis dhowaan la galay ayaa waxaa qeyb ka ahaa in la illaaliyo dadka Maatada ah, isla markaana aan lagu xadgudbin isu socodka dadka.

www.puntlandi.com

Comments are closed