Mama Xaawo Aaden Maxamed oo ku guuleysatey Abaal marin caalami ah
Maama Xawo Aaden Maxamed ayaa ku guuleysatey Abaal marinta xuquuqda aadanaha ee ay sanad walba bixiso Hay’ada Qaxootiga Aduunka UNHCR, Maama Xaawa ayaa abaal marintaan ku mutesatey Shaqadeeda oo la xirrita howlo biniaadnimo oo ay ka fulisey ama ka wado Soomaaliya.
Waxaa Xaawo sigaara loogu amaanay looguna soo xushey iney noqoto shaqsiga hananaya Abaal marinta sanadkaan kaalmada iyo cawimo ay u fidisey boqolaal kun oo haween Soomaaliyeed ah.
Galkayo Education Centre for Peace and Development (GECPD) in Puntland, Xarunta Waxbarashada Nabada iyo Horumarinta oo ay Gaalkacyo ka aasaastey tobon sano ka hor iyo Xarumo lagu daryeelo haweenka Bara kacayaasha ayaala sheegey in lagu caawiyey in ka badan laba boqol iyo kontan kun oo qof una badan bara kacaayaasha(250,000).
Waxay howlahaan Xaawo kasoo bilowdey Muqdisho iyo Kismaayo.
Melissa Fleming oo ah afhayeenka UNHCR waxay sheegtey in Maama Xawo Aaden ay abaal marintaan ku guuleysatey, waxaana abaal marinta lagu gudoonsiinayaa magaalada Geneva bisha oktoobar kowdeeda.
Xaawa Aaden Mohamed waxay iminka ku sugan tahay Magaalada Nairobi, halkaasoo ay timid dhowaan, waxayna kusoo wajahan tahay magaalada Geneva si ay usoo gudoonto Abaal marinta.
Xaawo Aaden Mohamed oo ah Afada Dr. cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo ahaan jirey Wasiirkii waxbarashada Dowladii dhexe ee Maxamed Siyaas bare wuxuu isna hormuud ka yahay Hay`ad noocaan oo kale ah oo ka howl gasha dhamaan deegaanada Puntland, Xarunteeduna tahay Garowe.
Puntlandi.com kala soco marka lagudoonsiiyo Maama Xaawa abaal marinta ay ku mutesatey daryeelka maatada Soomaaliyeed.
Puntlandi.com


