|

MAQAAL: “JUBBALAND DIB HA U NOQON”

W/Q: C/qani Yusuf Adan (Kaysediin)

“JUBBALAND DIB HA U NOQON”

(JUBBALAND NOT BACK)

Saddexda gobol ee Jubooyinku waxa ay ka mid yihiin taariikh ahaan deegaanadda soomaalida kuwooda khayraadka iyo nimcadda faraha badan uu allaah ku manaystay, waxayna gaar ahaan wadaagaan dabeecado deegaan (Environmental Characteristics) oo uu sabab u yahay wabiga jubba ee isku xira saddexdaas gobol, gobolladani waxay ka mid yihiin kuwa ugu habboon gayigeenna xagga wax soo saarka beeraha, xoolaha nool iyo kalluumaysiga, waxay kaloo leeyihiin kaabayaal dhaqaale oo waaweyn oo aan ka xusi karo dekeda magaalada kismaayo, garoonka diyaaraha ee kismaayo iyo garoomo kale oo ku yaal dhowr degmo oo ka kala tirsan Saddexdaas gobol, waana gobollo haddii laga yagleelo maamul baahsan min gobol, degmo illaa tuulo, dibna loo xoojiyo kaabayaasha dhaqaale lana dardar geliyo  mashaariicdii qabyada ahaa ee horay looga bilaabay goboladaas, aan is leeyahay marlabaad waxay qayb wayn ka qaadan karaan koboca dhaqaalaha dalka (National economic contribution).

Xasuusin qaar ka mid ah mashaariicdii qabyada ahaa ee Jubooyinka xiliyaddii barisamaadka:-

–          Mashruucii Sonkorta Mareerrey (Jilib), Caddadkii waxsoo saarka sanadkii 1985 wuxuu ahaa = 137,571 (Metric tone) oo sonkor ah.

–          Mashruucii Beeraha Dowlada ee Faanoole (Jilib/Kamsuuma) waxa uu ahaa biyo xireen loogu tala galay wax soo saarka sonkorta, bariiska iyo Korontada.

–          Mashruucii Waraabka ee Muganbo     (Jamaame/Muganbo), waxa uu ahaa mashruuc loogu tala galay inay ka faa’iidaystaan beeralayda yaryar ee aan awoodda u lahayn inay iibsadaan qalabka waraabka sida matooradda iyo qalabka kale ee wax soo saarka waxaana loogu tala galay in ay shaqo ka helaan dadka waxbarshadda ka taggey.

–          Mashruucii biyo xireenka ee Koronto dhalinta (Baardheere/Markabley), oo gacanta lagu hayay dhismihiisa, waxaa la qorsheeyay mashruucaasi In uu shido guud ahaan soomaaliya waxaana laga filayay hadii la dhammaystiro in uu soo saaro 100,000 (Mega watt) oo koronto ah markiiba, 40% waxa loo qoondeeyay Kismaayo iyo wabiga jubba oo ay dowladdu ugu talo gashay in wax soo saarka beeraha looga faa’iidaysto koronto xoog leh, waxaana shaqo ka heli lahaa baa la sheegay haddii la dhammaystiro in ka badan 2000 oo qof oo soomaaliyeed.

–          Mashruucii Waraabka Hombooy ee qorshaysnaa (Jilib/Hombooy).

Lixda gobol farqi baa u dhexeeya!!

Farqiga u dhexeeya lixda gobol ee dusha layska saarayo, waa mid cidwaliba ogaan karto kana muuqda sooyaalka taariikheed ee ay goboladaasi lahaayeen, waana ay ku kala duwan yihiin marka loo eego dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha tusaale:-

–          Gobolada  Bay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, 70% waxa looga hadlaa lahjadda ‘Mayga’ halka gobolada jubooyinka inta badan looga hadlo lahjadda “Maxaa Tiri” Waxaa ka dhexeeya isir, iyo dabeecad dhaqan dhaqaale, Gobolladani dhinaca siyaasada waxay ahaayeen Gobollo ay kawada arimin jireen siyaasiyiin isir wadaag ah iyo ururo siyaasadeed oo inta badan saldhigyo ku lahaa saddexdaas Gobol.

Sidaa si lamid ah goboladda jubbooyinku waxay wadaagaan Dabeecad Deegaan, Juquraafi, Isir, Siyaasad iyo dhaqan Dhaqaale, waana midda sahashay in saddexdaas gobol ay yeeshaan talo midaysan oo ay ku dhisteen maamul gobolleed iyga gaar u ah, waxaase wax lala yaabo ah in mar walba afka lagu macaansado lix gobol baan maamul u dhisaynaa, iyadoo aan ognahay in goboladaas dusha la iska saarayo ay ka mid yihiin gobolo maamul dhistay, dadkooduna israacsan yahay.

Dhismaha Dowlad goboleedka Jubbaland ma ah mid gorgortan geli kara, waayo:- aasaaskii dhismaha maamulkaas iyo maanta oo uu gabagabo yahayba waxa si hagar la’aan ah uga qayb qaadanayay wax garadkii deegaankaas, Dowladaha deriska ah, IGAD, Midowga Africa, Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay, ugu dambayntiina Dowlada Federal-ku waxay u aqoonsatay maamul goboleed buuxiyay shuruudihii looga baahnaa isla markaana hoos yimaada Dowladda Federal-ka Soomaaliyeed.

Haddaba waa muhiim in dalka lagawada hirgeliyo nidaamka Federal-ka sida uu qabo dastuurkeennu in laba gobol iyo wixii ka badan ee is oggol ay samaysan karaan maamul hoosaad, si loo helo dowlad dhexe oo xoog badan kuna dhisan nidaamka Federal-ka, waxaase qurux badan in ciddii talo iyo maamul wadaag ah lagu amaano fikirkooda iyo dadaalkooda, ee aan culays jiray culays kale la sii saarin, taladuna waxay ku habboon tahay in walaalaha saddexda gobol ee koonfur galbeed la baxay, ay saddexdooda gobol iimaansadaan oo maamul u samaystaan Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Miro gunti ku jira kuwo geed saaran looma daadsho”.

Intaas hadii aan ku dhaafo hordhaca iyo qeexiditaankaas yar. Aan usoo noqdo Jubbaland.

Maxaa u qabsoomay Maamulka KMG ee Jubbaland?

  1. Isu imaatinkii koowaad ee asaasayaasha Jubbaland iyo saxiixayaashii kaleba waxay ahayd guushii ugu horaysay ee usoo hoyatay deegaanada Jubaland.
  2. Ergadii Shanta Boqol ahayd ee ka kala timid saddexdaas gobol waxay ahayd guul kale oo ay gaareen dhammaan wax-garadka deegaanada Jubbaland.
  3. Magacaabistii madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa 1-aad.
  4. Dastuurkii Maamulka Jubbaland loo sameeyay, waloow aan si wanaagsan loo dhexgalin loona lafagurin lagama maarmaanna ay tahay markii dowladda la dhammaystiro in (Professional legal Advisor) loo qabto dib u eegisna lagu sameeyo oo la turxaan tiro.
  5. Calankii iyo Summaddii dowlad goboleedka Jubbaland.
  6. Shirkii Adis-ababa ee dhexdhexaadinta ahaa, iyo communiqué-gii kasoo baxay  inkasta oo ay ka qurux badnayd dalka gudihiisa in lagu dhexdhexaadiyo.
  7. Heshiiskii is afgaradka ahaa iyo aqoonsigii dowladda dhexe ee Federal-ka.
  8. Shirkii hordhaca ahaa ee dib u heshiisiinta beelaaha ee Muqdisho ka dhacay.
  9. Qaar kamid ah golahii wasiiradda maamulka jubbaland waxay ahayd guushii ugu dambeysay ee ay gaartay Jubbaland.

 

Maxaa ka dhiman Dowlad goboleedka Jubbaland?

  1. Dedejinta iyo ka baaraan degga shirwaynaha labaad ee beelaha Juballand kaasoo hadda qabanqaabdiisu ka socoto magaalada Kismaayo.
  2. Dhammaystirka guud ahaan  Dowlad goboleedka Jubbaland sida:-

a)      Dhammaystirka golaha xukuumadda ama wasiiradda

b)      Dhisidda golihii baarlamaanka Jubbaland oo lagu soo xulo aqoon, khibrad iyo karti.

c)      Dhisidda gole garsoor oo baahsan min gobol degmo illaa tuulo.

  1. Dhismaha Ciidankii Military-ga iyo Police-ka oo isugu dhafan dhammaan beelaha Jubbooyinka.
  2. Dhismaha golayaashii deegaanka ee degmooyinka iyo goboladda Jubbaland si loo baahiyo maamulka iyo kala dambaynta deegaanadda Jubbaland.
  3. Dhismaha guddi khilaafaad iyo gole dhaqameed oo ku dhisan Dhaqankii taariikhiga ahaa ee goboladda jubbooyinka si loo helo marjac kama dambays ah oo loo noqdo hadii uu yimaado khilaaf, beelaha dhexdooda.

Talooyin ku aaddan Maamulka KMG ee Jubbaland:-

  • Waxa ugu horeeya oo aad samaysaan hanoqdaan dib-u heshiisiin guud, oo aad isugu keentaan dhammaan dadka u mansab sheegta Jubbaland, idinka oo ka duulaya halku dhega oranaya “Oodi ab ka dhow”
  • U horseeda oo ku haga dadka reer Jubbaland Caddaalad, Sinaan, Midnimo iyo Horumar.
  • Sidii awalba aad u garateen inaad Maamul u dhistaan dadkiina haka caajisinnina, dadkana Jiheeya oo isku dubba rida, Ka dheeraada oo ka feejignaada wax kasta oo dhalin kara xasaasiyad qabiil ama Shakhsiyeed, oo hadhow keeni kara khilaaf iyo isku dhac hubaysan oo hankii la idiin qabay iyo dadaalkiinniiba hoos u dhigi kara
  • Isu fura dadka reer Jubbaland meel walboo ay joogaan min gobol, Degmo illaa tuulo.
  • Ku dadaala inaad ku dhaqantaan Dastuurka, kala dambaynta iyo Nidaamka Dowliga ah.
  • Ogaadda waxa aad maanta samaaysaan hadday xumo noqdaan taariikhdaa qori doonta, waana la idinkula xisaabtamayaa aakhiro iyo adduunba, hadday sama noqdaana aduunka magac baad ka tageysaan, aakhirana waad ku liibaanaysaan insha allaah.
  • Ugu dambayntii waxan oran lahaa “JUBBALAND DIB HA U NOQON”

Comments are closed