Maqaal—- Maxay ku hambalyeeyaan ama loogu hambalyeeyaa?!….
W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Innagoo caruuroo, cidna aan aqoon buu, na calimayaayee, calanka waa cizkeena, haa Calankaayaga, calankaayaga, calankaayaga, haa cirka u eg ku caashaqnayee cawaysinee!
Waa bayd ka mid ah hees dugiyada hoose-dhexe laga qaadi jiray subaxdii intaan fasallada la gelin, heestan waxay ahayd hab nololeed xiriir sokeeyenimo ka dhex abuura ilmaha yar-yar astaan gaar ahna u yeelay qiimaha calanka iyo qaranimmada, waxaan garanayaa maalmaha khamiista ah galabtii waxaa la tegi jiray Officio Governo khaasatan caruurta yar-yar waxaana la daawan jiray askar gaadda ka ciyaar samaynaysa oo calanka dejinaysa, askartu waxay yeerin jireen turumbo marka ay calanka dejinayaan qof kasta oo agagaarka maraya marka uu maqlo turumbadaas meeshiisuu joogsanayay isagoo ku ixtiraamaya calanka qaranka Soomaaliyeed.
Waa calankii buluugga ahaa ee la suray saqdii dhexe habeenkii ay bisha July kowga ahayd 1960kii, waa calanka cirka u eg ee dhexda kaga astaysantahay xiddigta cad ee shanta gees leh ee cadowgu ka naxo, …calankii qaranka Soomaaliyeed!.. waxaan xasuusnahay ciidammadii dhisnaa markii uu kacankii askarta dhalanyay, Xooggii Dalka Soomaaliya, wiilal dhalin yaro ah oo da’ ahaan is aaddan dhererkana iskala eg kuwaasoo markaad aragto aad xasuusanayso calanka Soomaaliya markaad calanka aragtana aad iyaga xasuusanaysay!
Waxaa qofka Soomaaliga ah lagu yaqiinay han ah inuu dal leeyahay, 1da luulyo isagama immaan hadal, xukuumaddii dhalatayna waxay ku shaqaysay fikirkii gobanimada lagu dhaliyay ee ahaa wadan jacaylka, ummad jacaylka, iyo inay raadiso sida ay suuro gal u noqon karto ilaalinta gobanimmada iyo qaranimmada Soomaaliyeed, maxaa yeelay dadka soo galay maamulka siyaasadda ayaa inta badan ahaa dhalin yaro goob joog ka ahaa halgankii ama ka mid ahaa halgamayaashii ka soo qayb qaatay halgankii lagu dagaalayay guumaystayaasha.
Ciidammadii Xoogga Dalka, waxay ahaayeen dheeha muuqda ee laga daawan karo inay dhaxleen qab ka soo jeeda halgan gobanimo doon oo gumaysiga neceb, oo aan quursi qaadan, oo waajibkiisa u weyn uu ahaa inaan la dulaysan qof Soomaali ah, inaan ciid Soomaaliyeed lagu gumaysan shacab Soomaaliyeed, waxaa askariga ka muuqan jiray marka uu magaalada marayo naxariis uu u hayo dad-weynaha, inuu u turo oo u gargaaro hadba kuwa taagta daran.
Dad-weynahana waxay ciidammada qalabka sida u qabeen jacayl aad u weyn, habeenkiina miyi, tuulo, iyo magaalo waxay ku seexan jireen cabsi la’aan iyagoo ku kalsoon inaan cadow gurguuranaya iyo mid cirka soo maray uusan wax yeelayn karin iskuna halaynaya wiilashii dhalin-yarada ahaa, ee dhaadheeraa, ee dhuudhuubnaa, ee midabkoodu maariinku ahaa, ee timaha gaagaabnaa, ee ilkaha cad-caddaa, ee markay isla scodaan talaabadooda jaan qaadka mid keliya la moodayay, wiilashii aan Alle mooyee aan dhimasho ka cabsan jirin, wiilashii markay soo socdaan ay dabaysha cadowgu ka argagaxo ka soo horayn jirtay.
Waxaan la yaabannahay waxa aan ku hambalyeeynayno, ma burburka dalkeena aan u geysanay baa mise munaasabad aan ku damaashaadi karno baa meesha taala?! Madaxda hambalyeeynaysa yeey khayaanayaan?! waxaa shaki la’aan ah caawo inta yar ee ka nool halgamayaashii SYL inaysan damaashaadkaas idinla qabin kuwiina isu hambalyeeynaya, ma waxaan ku dabbaal degaynaa inaan soo burburinay mirihii Kowda Luulyo mise?!
Ma waxaan ku dabbaal degaynaa in ciidamo boliis ah African Union dalkeena u soo dirayo, ma waxaan ku dabbaal degaynaa in dalkeena ay inagu maxkamadeeyaan xaakimiimn shisheeye ah, ma waxaan ku dabbaal degaynaa inaan hantida dalkeena annaga maamuli karin oo guddiyo innaga ilaaliyo layn laynoo samaysto, ma waxaan ku dabbaal degaynaa in dalkiiba laynaga qabsaday walina aan isu haysano inaan dowlad nahay!
Waxaan run ahaan dareemayaa inaysan siyaasiyiinteena danaynayn xaaladda dalka ku suganyahay, waxaa ka xumahay sida nin kasta u soo xarragooday isagoo aan arkayn qurux iyo nidaam buuxa oo dowladeed oo uu leeyahay, iyadoo uu mid kasta ilaalinayo askari shisheeye ah oo joogitaankiisa dalka uu malaha sharci ku yahay qoriga uu sito oo uu leeyahay madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed baan ku ilaalinayaa.
Waxaan shaki ku jirin in dalku galay gumeysi cusub oo ka adag kii hore marka la fiiriyo qarnigan heerka technology-ada addduunku marayso, waxaana hubaal ah in jiilalka innaga dambeeya aysan mahdin doonin waxa ay innaga dhaxlayaan, waxaana muuqda in aqoonteena iyo heerka fikirkeena oo aad uga dambeeyo dhaqsaha loo baahnyahay inaan ku fahmno dhibaatada soo socota, oo wali waxaan garan la’nahay inuu dalkii innaga burburay, waxaan garan la’nahay in dalkii laynaga haysto, qaarkeen wali waxay ku mashquulsanyihiin colaad ay u qabaan qaar kale, heerka xil-kasnimo yaridu gaarsiisantahayna waxaad ka garan karaysaa kuwii dalka heerkaas gaarsiiyay baa qaarkood wali ina hor ordayaan oo inoo khudbayniyaan…
Jiilasheena dambe inama mahdin, iska dhaaf middaasee jiilkii dowladnimadii aan ku ciyaarnay dhaliyay int ka nool waxaan samaynay ma mahdin, laakiin jiilka soo socda waxaan xasuusinayaa inay diyaar garoobaan, Wadankeena gobanimada wuxuu ku soo gaaray dadnimo Soomaalinimo huwan, daacadnimo iyo dadaal, ilaa heer isku kalsoonida ay gaarsiisanayd in nafta laysu huro.
Luulyo 1dii 1960kii, maalintii gobonimmada Soomaaliyeed waxay ku dhalatay halgan aan baryo ahayn, waxaana samaysmay Qaran mid ah, waxay ku dhalatay Soomaalinimo dadkii halgamayay ay rumaysnaayeen, sida dadku isugu duubnaa waxay gaarsiisanayd heer uu nin kasta oggolyahay inuu u dhinto midka kale.
September, 1949, dhacdo ay samaysay SYL ayaa runtii marqaati cad u ah heerkii ay gaarsiisanayd Soomaalinimada iyo halganka gobanimo doonka, abbaarihii September iyo October sanadkaas ayaa afartga dowladood ee quwadaha waaweyn waqtigaas loo yaqaanay (USA, Soviet, Britain, iyo France) ay Paris kaga shirayeen arrimaha Soomaaliya, sidaa daraadeed SYL waxay ku dadaalaysay in ay shirkaas u diraan Cabdullaahi Ciise Max’ud oo isagu halkaas uu bareeraha dadka Soomaaliyeed ka jeediyo.
Arrintan waxaa aad uga soo hor jeeday gumeysiga Talyaaniga oo isagu isku dayay inuu talaabadaas baajiyo, waxaana xujo ahayd in qof Afrika ka socdaalaya oo Yurub aadaya laga talaalo cuduro ay ka mid yihiin Daacuunka oo haddii uusan qofka wadan waraaqo cadayniya talaalkaas aan loo oggolaanayn inuu galo dalalka yurub.
DHaqaatiirta dalka joogta ee wax talaalaysa ama wax dawaysaba waxay ahaayeen kuwo Talyaani, sidaa aawgeed SYL waxay ka baqeen in talaalkaas Cabdullaahi Ciise lagu sumeeyo, KHATAR! Waa shaki muhimaddiis leh, oo maxaa la samayn?! Bal hadda u fiirso maxaa dhacayna, SYL dib bay isugu noqotay waxay iska dhex raadisay ninka ugu soo dhow u ekaanshaha Cabdullahi Ciise.
Waxaa laysku raacay in ninka ugu dhow uu yahay Max’ud Yuusuf Adan (Muuro), hadda Gaalkcyo ayuu joogaa, waa arrin aan hubo kolayba inaysan meelo badan ka dhacdeen waqtigaan, Muuro, si geesinimo ah, Soomaalinimo ah, dal jacayl ah isaga oo aan shakin buu tagay meeshii laysku talaalayay isagoo sheeganaya inuu yahay Cabdullaahi Ciise Max’ud nasiib wanaag ma dhicin khatartii laga cabsanayay hasa yeeshee Muro wuxuu halis naftiisa ula bareeray sidii Cabdullaahi Ciise waraaqihiisii talaalka ahaa ee dalka uu kaga bixi lahaa u soo saaro ama naftiisa ugu furto… mindhaa Muuro maant muxuu calool xunyahay! Muuro!… Maxay ku hambalyeeyaan ama loogu hambalyeeyaa?!….


