abaaraha
|

Maqaal- Nidaamka Federaalka Ma Qaran Dumis baa Mise Qaran Badbaadis?

Markii aan waraysato ama aad aqriso qoraalada ay qoraan websiteyada wararka ee Soomaalida in dad ku doodaaya in nadhaamaka Federaaligajaanley uu Soomaaliya meel ka dhac ku yahay ama uu wiiqaayo qaranimada Soomaaliya.
Sidoo kale, markii aad aqriso wararka qaar ee taabacsan nadhaamka Federaalka ama aad dhagaysato dadka u ololeeyana, waxaad arkaysaaa in ay aaminsan yihiin in nadhaamka kali ah ee isku keeni kara ama isku wadi kara Soomaliya markale uu yahay nadhaamka Federaaliga ah.
Iyagoo aaminsan in nadhaamka Federaaliga uu yahay mid aan iska horkaynayn dadka Soomaaliyeed madaam uu ka duwan yahay nadhaamka ku dhisnaa dowlada dhexe oo ah arimaha loo aanaynaayo in uu dhaco ama sahalay dagaalkii Sokeeyey.
Dhinaca kale, hadii aad fiiriso dowlada aduunka ee ku dhaqama nadhaamka Federaaliga  oo bilowday  qarnigii 18aad iyo kar hor, ayaa qarniga aan hada ku jirno ay dowlado badani qaateen nadhaamkaan Federaaliga ah.
Dadka ku xeel dheer Nadhaamka Dowliga Federaaliga ayaa sheegay in ay u sabab yihiin arimo badan oo u gaara wadamadaas, iyada oo ay danta ku qasabtay marka loo fiiriyo arimo la xariira taariikhda wadamadaas,dhaqanka wadamadaas, dhaqaalaha wadamadaas.
Waxaan cidna ka qarsoonayn in Dowladaha nadhaamkaan “Federal System” haysata ee ka tirsan dowladaha loo yaqaan “Third World Countries ama Wadamada Aduunka Sedexaad” ay ka degan yihiin “xaga nabada ama dowlad ahaan” marka loo barbar dhigo wadamada kale ee haysata nadhaamka dowlada dhexe.
Sidoo kale, wadamada carabta ee haysta dhamaanka Federaalka waxaa cad iaydana in ka xasiloon yihiin dowlada carabta ee aan aan haysan dhamanka Federaalka.
Isku soo duuduub, wadamada nadhaamkaan ku dhaqma oo guud ahaan ka nadhaam fiican kuwa kale marka laga reebo dowladii Soviet Unionka, kaas oo burburkiisi uu sababay arimo dhowra ah, se mida ugu wayn oo ahayd dagaalkii loo yaqaanay “Cold War”, kaas oo sahlay in Soviet Unionka oo ka koobnaa qowmiyado kala duwan ay sahasho in Midowgii Sovietku halkaa ku burburo.
Marka maxay la aamusan yihiin “Federalist” dadka u ololeeya nadhaamka Federaaliga ah ee Soomaliya la rajaynaayo in ay ku dhaqanto? Sidoo kale, maxay tahay waxa ay la qaylinayaa “Anti-Federalist” dadka ka soo horjeeda nadhaamka Federaaliga? Su’aalahaas oo ah kuwo jawaabtooda ay la xariirto dowlada hada ka jirta oo ay u hartay mudo 3 sano ah, xukuumadaan oo ku caan baxaday in ay soo horjeedo nadhaamka Federaaliga ah, iyada oo aan warcad ka bixin sababta ay uga soo horjeedo nadhaamkaa.
Se dad aad ugu dhuun daloola arimaha siyaasada Soomaaliya “Somali politics after civil war”, ayaa aaminsan dadka ka soo horjeeda Federalismka “Anti-federalism”  iyo fikirkooda ah in dhamaanka Federlaka uu wax u dhimaayo ama uu meel uga dhacayo qarinimda ay la mid tahay arimihii ay dhaqdhaqaaqii maxaakiimiinta ku doodi jireen waqtigii dowladii Abdullahi Yusuf “AUN”, iyagoo dadka ku kicin jiray “wadanki waxaa qaatay Ethiopian”. Taas oo dhacday in markii Sheikh Sharif loo doortay in uu noqdo madaxwaynihii Soomaaliya uu ka dagay Adis Ababa lix saac ka dib. Taas keentay in isaga xulafadiisi iskaga hor imaadaan arintaas oo ka mid ahaa Sheikh Daahir iyo xulafadii Asmara.
Sidoo kale, marka aad la hadlay “Anti-Federalist” dadka sida aadka uga soo horjeeda nadhaamka Federaalka, ayaa waxay iyagana ka doodayaan in nadhaamka Federalka ah uu kala qaybinayo dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed, isla markaana qarinimada Soomaaliya uu wiiqayso madaam dadka ay u kala qaybsanaan doonaan hab qabiilaysi, taas oo meesha ka bixinaysa isku duubnaantii.
Warar kale oo hoose ayaan sheegaya in dowladaha deriska, UN ta iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaliya ee darsay dhaqanka, dhaqaale iyo natiijadii dagaalkii sokeeye, waxay u arkaan in nadhaamka Federaaliga uu yahay midka kali ah ee dadka inta badan ay danaynayaan sida Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo ah maamulo hirgalay ah. Maamuladaan qaarkood oo muujiyeyna in aysan caqabad ku ahayn Qarinimada Soomaaliya marka laga reebo Somaliland oo iyadu rabta in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale oo laga yaabo in ay ku raadinayso arintaas qayb lixaad oo wayn in ka hesho nadhaamkasta oo lagu heshiiyo.
Marka inta aan la isku mashquulin kuwa danaynaya nadhaamka Federaalka iyo kuwa ka soo horjeedaba, maxaa la gudboon xukuumada hada jirta ee hada u gogol xaaranaysa doorashada la wado in ay Soomaliya ay ka dhacdo 2016ka? Dhamaantayn, oo aaniga ku jiro, su’aashaa jawaabtayda waxaan ogaan doonaa markii uu si  toos ah uu Ra’isal Wasaaraha cusub uu ula wareego, wasiiradaana uu magacaabo – InshaaALLAH.
Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre -junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomalida ee Minneapolis, Minnesota – junlay99@aol.com

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n