|

MAQAAL– RAYSUL WASAARAHA WAA INUU NOQDAA MID SHAQADIISA XOR U AH

Sida uu qeexaayo tastuurka loo dejiyey dalka soomaaliya, raysul wasaaraha ayaa ah madaxa dowlada soomaaliyeed.
Sidaad darteed  raysul wasaaraha ayaa masuul ka ah siyaasada guud iyo go,aan kasta oo wasaaradaha dowladu qaataan. Haddii guul la gaaro iyo haddii kaleba waxaa masuuliyada qaadaaya wasiirka kowaad ama raysul wasaaraha. Wasiirka madaxda ka wasaarad, waa fuliyaha siyaasada dowlada qaybta kusoo aaday wasaaradiisa iyadoo la egaayo howsha loo xilsaaray.
Wasiirka wasaarada hogaamiyana waxaa madax u ah oo uu amarada iyo hogaamintaba ka qaataa wasiirka kowaad.
Sidaas darteed waxaa muhiim ah in wasiirka kowaad uu helo fursad buuxda ee uu isagu kusoo dooran karo kooxda wasiirada ah ee hogaaminaaya wasaaradaha kala duwan.
Waa in ay noqdaan koox uu raysul wasaaruhu ku sameeyey baaritaan dheer oo dhinacyo badan taabanaaya. Waa in laga eegay dhinaca tacliinta, khibrada,howl-karnimada, diinta iyo akhlaaqda, wadashaqaynta iyo waxyaalo kale oo badan. Balse qodob kale oo muhiimad gaar ah lihi waxaa weeyaan daacadnimada shakhsiga wasiirka laga dhigaayo.
Daacadnimadu meelo badan ayey gashaa basle waxaan halkaan ula jeedaa inuu yahay ugu horeyn mid daacad u ah dowlada uu ka tirsan yahay. Waa inuu raacaa awaamiirta, hogaaminta iyo talooyinka kasoo baxa raysul wasaaraha, haddii aaney ahayn kuwo khilaafaaya dastuurka dalka.Waa inaan wasiirku wadanin howlo iyo ajandayaal isaga ama koox kale gaar u ah.
Wasiirka aan daacad u ahayn siyaasada dowlada ee uu masuulka ka yahay raysul wasaaruhu waxaa haboon in la bedelo si siyaasada dowladu u meel marto.
Wasaaradaha kala duwan ee dowladu waa kuwo si toos ah ama si dadban isugu xiran. Guusha wasaarad walbaana waxaa ay ku xiran tahay isugeynta guusha guud ee ay wasaaradaha kale gaareen. Kolka ay meel marto siyaasada guud ee dowlada ayaa la oran karaa dowladu guul ayey gaartey.
Halkaas waxaa ka muuqda in  guusha hal wasaarad ama wasiir  aaney saameyn weyn yeelan karin haddii aaney wasaaradaha kale guul gaarin.
Siyaadada iyo wasaaradaha dowladu waa silsilad isku xiran, haddii ay meel ka debecsan tahayna waxaa debcaaya siyaasda guud ee dowlada.
Taas ayaa keeneysa in hadba wasaarada ay ka debecdo la eego lana saxo si guushii weyneyd loo gaaro. Raysul wasaarihii hore ee dalka IngiriiskaTony Blair  ayaa yiri : ” Shaqada xubnaha dowladu waa “shaqo-wadareed”- ama  “teamwork”. Waa in aynaan marna ilaawin shaqadii la inoo xilsaaray ee shacabku inoo dhiibtey ee waajibaadkeena ah.
Guusha howsha la inoo dhiibtey waxaa keliya oo aan gaari karnaa haddii aan si wanaagsan isula shaqayno, iskaashano, istoosino kolka wax qaloocdaan.
Natiijo wadajir ah ayaa la inaga xisaabin doonaa kolka wakhtigeenu dhamaado, ee waa inaad taas ogaataan”Haddaba waxaa la doonayaa in raysul wasaaraha cusub , mudane Cabdiweli  loo daayo shaqadiisa madaama isagu uu yahay midka masuulka ka noqon doonaa natiijada ay la yimaadaan dhamaan golaha fulinta ee dowlada, kuwaas oo ay wasiiradu ugu horeeyaan. Haddii sida soomaaliya caadiga ka noqotay waayadaan dame ay wasiiradu noqdaan kuwo daacad u ah oo ka amar qaata shakhsiyaad kala duwan, kolkaas waxaa imaaneysa in la waayo wadashayn iyo u daacad noqosho siyaasada dowlada iyo madaxa dowlada oo ah wasiirka kowaad.
Kasoo qaad haddii la dhisaayo 15 wasiir, ka dibna la yiraahdo madaxweynuhu waxaa uu keenayaa shan wasiir oo isaga muhiim u ah.
Taas oo si dadban macnaheedu yahay iney madaxweynaha ka amar qaataan, waxii warbixin iyo talo ahna ay la leeyihiin madaxweynaha maadaama uu isagu keenay. Shan wasiirna waxaa keenay gudoomiyaha baarlmaanka. Kuwaasina waxaa ay daacad u yihiin gudoomiyaha baarlamaanka.
Waxaana laga yaabaa labadaan kooxood ee wasiirada ah iney wataan oo ay fulinayaan siyaasad aan ahayn tii dowlada ee uu dejiyey raysul wasaaruhu. Shanta wasiir ee soo hartayna uu keeno raysul wasaaruhu, kuwaasoo daacad u ah wasiirka kowaad.
 Shantaan wasiir ee uu raysul wasaaruhu soo xulay ayaa  ah kuwo sharci lagu keenay oo raacsan nidaamka dowliga ah ee  raysul wasaare ku shaqeeyo. Dhibaatada ka imaan karta wasiirada ay keenaan shakhsiyaad kala duwan:
Wada- shaqyn xumo iyo isfahan la.aan.
Maadaama dad kala duwani wax soo xuleen, waxaa dhacaysa in qof walbaa eegay wasiiro fulin kara ajandihiisa siyaasadeed. Waxaa kaloo dhacda in qof walbaa soo xulo wasiiro ay dabeecad ahaan iyo qaab dhaqmeedba isu dhow yihiin. Taasi waxaa ay keeneysaa in xubnahaan iyo xubnaha kale ee ay dowladu ka kooban tahay isfahmi waayaan maadaama ay kala siyaasad yihiin ayna daacad u yihiin madax kala duwan.
Siyaasado iska soo horjeeda:  Waxaa ay badanaaba noqotaa in wasiir walbaa uu fuliyo siyaasada qofka isaga soo xulay. Taas oo noqoneysa mid kasoo horjeeda siyaasada guud ee ay dowladu leedahay. Waxaa dhacaysa in siyaasadaha kala duwani isburiyaan halkii ay iskaashi horseedi lahaayeen. Taasina waxaa ay keentaa in dowladu noqoto kooxo kala wata dano gaar ah oo aan si wadajir ah uwada shaqaynin, balse higsanaaya dano shakhsiyeed ama kuwo kaleba.
Kala daadsanaan: Dowlada ayaa noqoneysa mid tayo liidata, aadna u kala daadsan. Waxaa ay dowladu noqoneysaa shakhsiyaad kala socda oo aan isku.xirneyn, isla markaasna aan lahayn wax wadashaqayn ah.
Natiijo la`aan: Dowlada iyo wasiirada lagu dhisay ama lagu keenay qaabka aan kor kusoo sheegnay ma aha kuwo keeni kara natiijo iyo guul dowlada iyo dalku gaaro. Balse waxaaba laga yaabaa iney keento khasaaro iyo dhib aan dadku horay u qabin.
Sharaf xumo ku timaada raysul wasaaraha: Wasiirka kowaad ayaa noqonaaya mid aan lahayn magac iyo sharaf meel mar ah. Waxaa uu noqonayaa magac u yaal aan wax badan fulin karin. Siyaasadiisuna waxaa ay noqoneysaa mid ragaadsan oo aan meel gaari karin.
Khilaaf joogto ah: Waxaa dowladaan harraynaaya khilaaf buuxa oo meelo kala duwan salka ku haya. Saldhiga khilaafkuna waa shakhsiyaadka dowlada ku jira ee leh dano iska soo horjeeda. (A conflict of interest).
Waxaa kaloo iyana muhiimad gaar ah leh howl wadeenada ka shaqaynaaya xafiiska raysul wasaaraha. Waa iney noqdaan kuwo lagu soo xulay aqoontooda, khibradooda iyo kartidooda.Waana iney yihiin kuwo daacad u ah nidaamka iyo siyaasada raysul wasaaraha.
La taliyayaasha raysul wasaaruhu waa iney noqdaan laba kooxood. La taliyayaal leh xirfado gaar ah (special advisors) iyo kuwo leh aqoon guud oo taabaneysa meelo badan.
Haddii raysul wasaaruhu qaabkaan u xusho la taliyayaashiisa waxaa uu heli doonaa sharaf iyo dhaqan ay masuuliyadi ka muuqato. Haddii kale waxaa dhacaysa isku- dhexyaac  badan oo keeni kara sharaf dhac ku timaada wasiirka kowaad iyo guud ahaan dalka soomaaliya.
Guntii iyo gebagebadii  waa in wasiirka kowaad uu soo xushaa wasiiro tayo leh, daacad u ah nidaamkiisa , fulina kara siyaasada dowlada. Waa in mudane Cabdiweli uu karti iyo geesinimo u yeeshaa inuu go,aan cad ka qaato cid walba oo isku dayda iney u yeeriso waxii uu samayn lahaa.
Waa inuu yiraahdaa: Talo waa iisoo jeedin kartaan balse aniga ayaa ah madaxa dowlada iyo madax fulinta, aniga ayaa la igula xisaabtamayaa guusha iyo guul daradaba ay dowladaydu la timaado sidaas darteed waa in aan doortaa ciddii ila shaqayn lahayd.
Qore: C/risaq Maxamed Xuseen ( ina -xuseen dheere?
 Takhasus: Arimaha dhaqaalah
          Eskilstuna.sweden
           habdirisak@hotmail.com

Comments are closed