abaaraha
|

MAQAAL— Waalidiinta Qurbaha: cidaan adinka ahayn xilka kama saarna caruurtiina dhaqankooda iyo diintooda

Inta aanan u gelin faalada qoraalkayga, aan idin xasuusiyo dhaqankeena ku salaysan diinta islaamka in uu yahay mid lagu faano. Dhaqankaas oo aan waligay hilmaamayn inkastoo ay iigu bufedanbaysay hoyga dhaqankeena, Soomaaliya, in ka badan 22 sano.

Intaa kadib, sida aad ka maqashaan idaacada wararka ama aad ka aqristaan shabakadaha wararka, ama aad ka daawataan idaacadaha wararka ee la iska arko, waxaa jirta in dhalinta Soomaaliyeed ee Qurbaha ay soo foodsaarto dhaqan gadoon sababa dacdarooyin ay la kulmaan ama ay iyagu is waxyeeleeyaan “isdilaan” – sababtaas oo ah dhaqanka cusub ee ay kula kulmaan Qurbaha wadanka ay kaga nool yihiin iyaga iyo waalidiinkoodba.

Caruurta iyo dhalinta qurbaha ee hada jirta (Allah ha xafidee) oo ay kala bar ama badankooda ku dhasheen Qurbaha, ha u badnaato xerooyinkii qaxootiga ee Ethiopia, Kenya, Uganda iyo kuwo kaleba maadaama qaxii sababay dagaalkii sokeeye waqtigaan aqristow aad aqrisanayso qoraalkaan laga joogo 22 isano iyo ka saa’id. Marka, wiilashii iyo gabdhahii dhashay waqtigaasna ay maanta jiraan 22 sano iyo saa’id.

Hadaba dulucda qoraalka ma aha in aan idinxusuusiyo qaxii la soo maray madaama laga soo baxay waqtigii adkaa ee aan soo marnay, ee waxay tahay in aan xasuusiyo waalidka Qurbojoogta Soomaaliyeed in ay ogaadaan ama ay maskasda ku hayaan sidii loo badbaadin lahaa caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaana kuwa ku dhashay Qurbaha.

Waxaa xusid mudan meelkasta oo ay jaaliyada Soomaaliyeed ku sugan tahay, ha ahaato Africa, Asia, America ama Australia, waxay dadaal ugu jiraan badbaadinta caruurta iyo dhalinta Soomaaliyeed. Iyadoo taas ay jirto, ayaa hadana waalidkasta ay masuuliyad wayni si gaara uga saaran tahay sidii ay uga warqabi lahaayeen meesha ay caruurtooda aadaan, caruuraha ay raacaan ama saaxiibka ay la yihiin iyo meherada ama camalka ay caruurtooda galiyaan waqtiga aysan fasaxa ku jiraan iyo arimaha la xariira internetka iyo websiteyada ay fikradaha iyo wararka ka qaataan, madaama ay soo badanayo arimaha adaga ee soo foodsaara dhalinta Soomaaliyeed.

Soomaalida waxay ay tiraahdaa “cidna uma maqna, ceelna uma qodna”, marka hadii aad waalid tahay, marna ha filanin in wiilkaaga ama gabadhaada ay kuu ilaaliyaan cidkale oo aan adiga ahayn. Sidoo kale, ka tasho inta ay hay’adaha ku dooda in ay caruurta wax u qabtaan ama dhaqan celinta dhalinta qaabilsan ay gaarto xaalad ay caruurtaada maskax iyo caqli u noqdaan. Taa oo loga hortagi karo, in Hooyo iyo Aabe kasta, oo nasiib u yeeshay cimirga ALLAH siiyey, ay waqtigooda intiisa badan geliyaan caruurtooda, inta ay goori goor tahay.

Inta badani dhibta waxay ka dhalataa, Aabayaasha fadhi ku dirirka waqtigooda geliya iyaga oo aan war iyo wacaal u hayn xaalada caruurtooda. Marka Aabayaasha Qurbaha waxaa la gudboon in ay ogaadaan in caruurtooda barbaarintooda, hagidooda ay ku haboon tahay inta ay yaryihiin hadii ay rabaan in caruurtooda ay mustaqbal fiican yeeshaan. Mida kale, burburka ku yimaada qoysaska Qurbojoogta oo hada la dareemay in uu lug ku leeyahay habowga caruurta iyo dhalinta qurbaha, marka dumarka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay noqdaan kuwa markasta isku wada reer Soomaaliyeed, kana ilaaliya wixii keeni kara in reerku uu dumo.

Waxaa soo koobay: Mohamed Barre – junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka – junlay99@aol.com.

Comments are closed

aet