|

Maraykanka oo duqayn ka geystay magaalada Tooratorow ee gobolka Shabellada hoose.

Diyaarado Drones ah oo loo maleynay inay yihiin kuwa dowladda Maraykanka ayaa  waxay duqayn culus ka geysteen magaaalda Tooratoorow ee gobolka Shabeelle hoose, halkaas oo kamid ah degaanada gacanta ugu jira kooxda Alshabab.

Duqayntaan ayaa lala bartilmaameesaday saraakiil Alshabaab ah, balse lama sheegin magacyadooda iyo macluumaad dheeraad ah oo weerarkaan ku saabsan.

Maraykanka ayaa horey gobolka Shabeellaha hoose ugu bartilmaameesaday xubno katirsan argigixisada Alshabab,oo uu kamid ahaa madixii Shabaabka uqaabilsanaa gobolka Banaadir Cali Jabal, kaasoo gantaal lagu dhuftay gaadhi uu la socday.

Puntlandi.com

Muqdisho

 

 

Comments are closed