|

Maraykanka oo kordhiyay tirada Soomaalida lagasoo musaafurinayo dalka Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee dalkooda dib loogu celinayo sidaas waxaa laga soo xigtay hay’adda socdaalka dalkaas.

Brendan Raedy, afhayeenka waaxda fulinta arimaha socdaalka iyo kastamka ( ICE) ayaa  sheegay in laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa.

Dowladda Maraykanka ayaa horey Soomaaliya ugusoo celisay  237 qof oo lagu eedeeyay inay ku sharci darro ku joogeen Maraykanka.

Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad ayaa horey u sheegay  in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo imika ku nool Maraykanka.

Afhayeenka ICE ayaa sheegay in dadkan intooda badan ay danbiyo galeen, isla markaana ay laanta socdaalku sii wadayso inay diirada saarto shaqsiyaadka halista ku ah amniga qaranka Mareykanka, badbaadada shacabka iyo waliba amniga xuduudaha.

Pnntlandi.com

Comments are closed