|

Maraykanka oo shaaciyay inuu 40 askari u dirayo Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay qeyb kamid ah ciidamadeeda milatariga u dirayso Soomaalida, waana tiradii ugu badnayd oo loo dirayo Soomaaliya tobanaan sano kadib.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inay ciidamadaan yihiin loojistikada tababarada ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda argigixisada ah ee Alshabab.

Ciidamadaan waxay gaaraayaan 40 askari.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan meelmariyay qorshaha balaarinta howgalka milatariga ee Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya, waxaana ku jira weeraro toos ah oo lagu qaadayo saldhigyada Alshabab ee koonfurta Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay tiro yar oo ciidamadiisa kamid ah u dirayay Soomaaliya, iyagoo geysanayay howlgallo gaar ah iyo la-talin ku aadan dagaalka argigixisada ee Soomaaliya.

Pntlanndi.com

Comments are closed