|

Maraykanku Muxuu Ka Yiri Soomaalida Uu Soo Tarxiilay?

Dawlada Maraykanka, ayaa markii ugu horaysay ka hadashay dad Soomaaliyeed oo shalay dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

Qoraal kaso baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in dadka laso tarxiilay ay isugu jiraan Soomaali iyo Kenyaati.

Dadka laso tarxiilay ayaa 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali, halka todoba ka mid ahna ay yihiin Kenyaati, waxaa Kenyaatiga dib loogu celiyay dalka Kenya, halka Soomaalidana laga dejiyay magaalada Muqdisho.

Waxay sheegen Maraykanku inay beegsanayaan dadka aan sida sharciga ah ku joogin dalka Maraykanka iyo kuwa dhibaatada ku ah amniga iyo xasiloonida Maraykanka.

Waa kooxdii saddexaad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo intii uu xukunka Maraykanka qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof.

www.puntlandi.com.

Comments are closed