|

Markabkii Lagu Haystay xeebta Xaabo La Sii Daayay

Kooxdii sheegtay inay yihiin Kalluumaysato ee afduubka ku haystay Markabka Aris 13, ayaa dib ugu celiyay Xoriyadiisa Markabka, ka dib markii ay ka dageen Kooxdii Afduubatay.

Ciidamada Badda Puntland ayaa la wareegay Markabka, waxaana saaran Bagaash iyo shidaal ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Wararka aanu ka helayno Xaabo ayaa sheegaya in Kooxda haystay Markabka ay ka dageen ka dib markii ay go’doomiyeen ciidanka Badda Puntland”PMPF”, waxaana dawlada Puntland ay sheegtay inaysan sinaba u qaadanayn in Markab lagu haysto xeebaheeda.

Waxaa Wararku ay intaas ku darayaan in sido kale ay jiraan Odayaal dhaqameed culays xoogan  ku saaray Kooxda Markabka haysatay inay sii daayaan, iyaga oo ka cabsi qabay dagaal khasaare geysta oo dhexmara Ciidanka iyo Kooxda Markabka haysatay.

Xaalada Caafimaad ee shaqaalaha saaran Markbka oo gaaraysa sideed qof ayaa aad u wannaagsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu sii wato Safarkiisa.

Markabka Aris 13 ayaa Kooxda hastay ay afduubteen maalintii Isniinta, waxaana ay haysteen muddo dhan Afar maalmood.

www.puntlandi.com.

Comments are closed