Marwo Caasho Gelle Diriye oo xilkii ku wareejisay Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaarada Haweenka Puntland.
Garowe(Puntlandi.com):- Marwo Caasho Geelle Diiriye Wasiirkii hore ee Haweenka iyo Horumarinta qoyska dawlada Puntland ayaa si rasmi ah maanta xilkii ugu wareejisay Wasiir ku xigeenka cusub ee Madexweynuhu uu dhawaan wasaaradan Haweenka u soo magacaabay.
Xafladii xilwareejinta oo maanta ka dhacday xarunta Wasaarada haweenka ee dawlaa Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxaa ka soo aybgalay xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Puntland oo uu ka mid yahay Wasiiru-dawlaha maamul wanaag, xubnaha Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta qoyska iyo marti sharaf kale oo farabadan.
Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa xilkan si rasmi ah maanta ugu wareejisay Caasho Maxamuud Axmed Wasiir ku xigeenka Wasaarada haweenka iyo Horumarinta Qoyska, waxayna hadal kooban oo ay jeedisay ku cabirtay heerka ay maanta Wasaaradu marayso iyo halkii ay joogtay markii loo dhiibay, waxayna aad uga sheekaysay waxqabadkii ay wasaarada ka muujisay mudadii ay xilka haysay.
Caasho Maxamuud Axmed Wasiir ku xigeenka Wasaarada haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo iyadana hadal jeedisay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in ku soo biirto Wasaarada Haweenka islamarkaana ay qayb ka noqoto dadka ka shaqaynaya horumarinta bulshada, waxayse carabaabtay in Marwo Caasho aysan ka tagin Wasarada ee ay tahay Hooyo wax badan lagu xasuusan doono oo aan looga maarmay dhamaan arrimaha ay wasaaradu qabanayso.
Waxaa iyaguna goobtan ka hadlay xubno farabadan oo ka mid ah golaha Wasaariirada ee dawlada Puntland oo aad uga sheekeeyay waxqabadkii wasaarada gaar ahaana Marwo caasho ay muujisay mudadii ay shaqaynaysay.
Arrintani waxay imaanaysaa xilli aad loo hadalhayo ka tagitaanka Wasaarada Haweenka ee Marwo caasho geelle oo bulshada reer puntland ay u arkayaan in ay tahay shaqsi wax weyn ka badelay hawlaha wasaarada iyo arrimaha haweenka puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba.



