|

Masawirka Maanta : – Abu Mansuur Roobow ” Aabihii iyo Macalinkii Dilka Shacbiga iyo Qaraxyada ” oo Maanta dhiig ku tabarucay


Abu Mansuur Roobow

Ha iloobin in Hogaamiyaashii ugu sareysay ee aasasatay kooxaha dadqalatada ah ee Argagixisada Al Shabaab, isla markaan Sannado badan daadiyey dhiiga Shacbiga Somaaliyeed in ay maanta qaarkoodna si xor iyo raaxo ah ugu noolyihiin gudaha magaalada Muqdisho, qaarna magangalyo ka heleen dawlado shisheeye iyadoon aanay jirin cid kula xisaabtantay, oo wax ka weydiisay halaagii ay u geysteen ummada Somaaliyeed,halka qaar kalena weli waxay ku mashquulsan yihiin xasuuq shacbiga Somaaliyeed.

Hogaamiyayaashii Argagixsada Al-Shabaab ee maanta raaxada ku nool waa kuwan.

1.Sheekh Xasan Daahir Aweys iyadoon lala xiaabtamin, Maxkamdana aan la horgeyn ayuu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

2.Abu Mansuur Roobow sidaa si la mid ayuu Xukuumada Somaaliyeed magaalada Muqdisho uu marti ugu yahay

3. Maxamed Siciid Atom hogaamiyihii Al -Shabaab ee Buuraha Galgal waxuu magangelyo siisay Dalka Qatar, wuxuuna ku sugan yahay magaalada Dooxa, iyadoon waxba laga weydiin dhiigii shacbiga Somaaliyeed ee uu sannadaha badan daadiyey.

4.Sakariye Ismaaciil Madaxii hore ee sirdoonka Al-shabaab, waxa uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, isagoo lagu abaal mariyey oo loo magacaabay Taliyaha ka hortaga iyo dabagalka Argagixisada ee Ciidanka Nabadsugida Somaaliyeed ee NISA

Comments are closed