Mas’uuliyiin iyo shacab faraban oo maanta si wadajir ah ugu wada tukaday salaada ciida garoonka kubada cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo. (Sawiro)
Gaalkacyo (Pi):- Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo waxaa maanta si wadajir ah salaada ciida ugu tukaday shacabka magaalada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiinta dawladda Puntland.
Dadweyne farabadan ayaa soo buux dhaafiyay saaka garoonka Cawaale si ay halkaasi ugu tukadaan salaada ciidul Adxa, waxaana tukashada salaada kala soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socota Dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka dawladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac, Gudoomiye xigeenka Mudane Farxaan Cali Xaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Axmed Maxamed, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax iyo saraakiil ka tirsan laamaha amaanka gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray dhammaan shucuubta gobolka Mudug, isagoona intaa ku daray in munaasabada ciida sanadkan ay ku soo beegantay xilli laga adkaaday kooxihii burcadbadeeda iyo kooxaha Alshabaab ay ka mid tahay oo gobolka amaan darrada ka waday.
Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa wuxuu fagaaraha Cawaale Stadium kala hadlay dadweynihii tukashada salaada ciida isugu yimid, wuxuuna hambalyo iyo tahniyad ku aadan ciida uu u diray dhamaan dadweynaha gobolka Mudug, wuxuuna intaa ku daray in maalmaha soo socda ay Gaalkacyo ka billaabi doonaan olole balaaran oo ku aadan nadiifinta iyo haggaajinta biyihii ka haray roobabkii Gaalkacyo ku da’ay biyahaasi oo uu Wasiirku sheegay in haddii ay sidaasi wadooyinka u sii dhex ceegaagaan in ay ka dhalan karto khataro caafimaad oo uu ka mid yahay cudurka daacuun caloolaha.
Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa hambalyo u diray shacabka, wuxuuna aad ugu nuux nuuxsaday arimaha amaanka Gaalkacyo, wuxuuna fariin adag u diray Nabaddoonada iyo shacabka Gaalkacyo oo uu ka codsaday in kaalintooda ay ka qaataan in laga adkaado oo meesha laga saaro kuwa amaan darrada ka shaqeeya ee ay ka midka yihiin burcadbadeedda iyo argagaxisada.
Guud ahaan munaasabada ciida ayaa ku soo idlaatay jewi wanaagsan, waxaana dariiqyada waaweyn ee magaalada buux dhaafiyay dadweyne farabadan oo si wacan u soo lebistay kuwaasi oo isugu hambalyeynayay farxada ciida.<
Hoos ka daawo sawirada.




Wasiirka Caafimaadka Puntland, Taliye xigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax oo dadweynaha Gaalkacyo kula tukanaya Cawaale Stadium

Gudoomiye xigeenka Gobolka Mudug Mudane Farxaan Cali Xaad oo ka mid ah mas'uuliyiinta ku tukatay Cawaale Stadium

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame

Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse






Mansha allah ilahay kheyrkiina ha siyaadiyo dhamaan muslimiinta melkasto oo ay joogaan ilahayna dhibka ha ka dhexsaaaro oo haka dhigo kuwa garbaha isqabsada oo nabadooda iyo aayahooda ka fekera dhamaanteen ilahay ha iskeensoo jeedsho dhanka wanagana wax ka eega hana dhigo Aamiin Aamin
mansha allaaah alle ha barakeeyo dhamaan muslimiinta